Duqaynta Xuutiyiinta oo sumcad xumo u keentay Sucuudiga & ujeeddo wayn oo ay ka leeyihiin + Muuqaal

0

(Jiddah) 26 Maarso 2022 – Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar kale ku qaaday wax soo saarka saliidda Sacuudiga ee magaalada Jiddah, iyagoo garaacay kaydka shidaalka ee Sucuudiga ee Aramco Jimcihii weliba xilli ay magaaladu soo dhoweyneyso dadka u imanaya daawashada tartankii ugu horreeyay ee orodada Formula 1 ee halkaa lagu qabto.

Duullaankan ayaa waxa uu ujeedkiisu yahay in Sucuudiga lagu khasbo in uu soo afjaro go’doominta uu ku hayo dalka Yemen.

Afhayeen u hadlay kooxda fallaagada ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, kaddib qarax muuqda oo ka dhacay wershad sifeysa shidaalka oo u dhow goobta tartanka, oo 10 mayl u jirta garoonka diyaaradaha.

Xarumahan waxaa lagu garaacay gantaallo, halka wershadaha Ras Tanura iyo Rabigh lagu duqeeyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Muuqaallo la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq aad u wayn oo madaw oo ka soo baxaya haamaha kaydka ee xarunta iyadoo kubbad dab ihi ay ka dhex qaraxday.


Hadalsame Media