Culumada Soomaaliyeed oo muddo kaddib shacabka ku boorrinaysa inay ka dhiidhiyaan dhibka haysta

0

(Hadalsame) 26 Maarso 2022 – Culumo waaweyn oo Soomaaliyeed ayaa bilaabay inay ka dhiidhiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo kooxda Al-Shabaab ay si joogto ah u daadineyso.

Sheekh Suldaan Cabdiqani Qorane, Sheekh Usuuli iyo Sheekh Maxamed Idiris ayaa ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee ka hadashay gabood falladii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay, gaar ahaan magaalada Beledweyne oo lagu laayey dad badan oo Xildhibaan Aamina Maxamed ay ku jirtay.

Inkastoo aysan kala joogsi laheyn gaboodfallada ay Al-Shabaab ka geysaneyso Soomaaliya, hadana waxaa qalbiyada dadka Soomaaliyeed dhaqaajiyey wixii laba habeen ka hor ka dhacay magaalada Beledweyne, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 50 qof, halka in ka badan boqol kalena ay isbitaallada yaallaan.

Culumadaan oo kala joogta dalka iyo dibadiisa ayaa shacabka iyo maamullada ka jira Soomaaliya ugu baaqday inay sidaan wax ka bedelaan oo kacdoon dadweyne looga hor tago dhagarta cadowga.

Ugu horeyn Sheekh Usuuli ayaa fariin u diray baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay in baarlamaankii 10-aad ee dalka uu qaadi doono masuuliyadda waxa dhacaya, maadaama uu dayacay masuuliyadii loo doortay.

“Horta dhiigga hadda daadanaya baarlamaankii hore ayaa loo heystaa, guddoomiyahoodii, ku xigeenkiisii iyo dhamaantood Allaah ayaa wax ka weydii doona waxa dhacaya, sababtoo ah wadanka heerkaan ayagaa soo gaarsiiyey, taladii dadka ayey diideen, waxay diideen xaqii, in jeebka wax loogu shubo ayey ogolaadeen, waxayna noqdeen baarlamaan sacbinaya, maanta heerkaan ayaan joognaa, baarlamaanka soo socdana saas ayaa lala damacsan yahay,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Waxuu sheegay in qorshuhu yahay in  la dhameeyo hoggaanka iyo indhaha bulshada, “Waxaa la rabaa in umadaan la adoonsado oo cabsi lagu beero, hadaad u maleysaan in Soomaali dhiig lagu cabsii karo, Soomaali ma cabsato, wadamada Carabta ayaa laga soo min guuriyey afar qof hadii la dilo ama afar qarax dhacdo dadku waa aamusaayaan, waxa dalkeena heerkaan gaarsiiyey waa dhiigga daatay, bal ka waran ninka xiligaan u diyaarsan inuu dhiig sii daadiyo?” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Sheekh Usuuli ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qaar ka mid ah xildhibaanadii fashilmay dib loo soo doortay, sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay in masuuliyadda ugu weyn ee dadkaan la leynayo uu Alle wax ka weydii doono.

Shiiqa ayaa umada Soomaaliyeed ugu baaqay inay baraarugaan oo sidaan wax ka bedalaan, cadowna iska difaacaan, “War shacabow waad iska aamusan tihiin maalin kasta qof qaali ah ayaa la dilaa waana oysiin, madaxdu waa iska joogaan wax la xisaabtamaya malahan, hadana waxaa lagu leeyahay doorasho ayaa la gelayaa, Ilaahow daalimiinta hanagu soo celin,” ayuu yiri Sheekh Usuuli.

Sheekh Maxamed Idiris ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku yiri, “Runta hadaan la isku sheegi karin reerkaan Soomaaliyeed waligiis degi maayo, waxaan nahay shacab dhamaantiis dil sugayaal ah, ee aan tashano oo cadowga iska qabano ama aan iska sugno nin kasta meesha maalintiisa lagu qasho.”

Sheekh Suldaan Cabdiqani Qorane oo ka mid ah culumada ku nool deegaanada Puntland ayaa isna maanta khudbadii Jimcaha ku soo qaatay gumaadka ay kooxda Al-Shabaab ku heyso dadka Soomaaliyeed, isagoo dul istaagay dadkii ay ku jirtay Aamina Maxamed ee habeeno ka hor Beledweyne lagu laayey.

Sheekh Suldaan oo dilalka, maamul xumada ka jirta Soomaaliya iyo daciifnimada shacabka khudbadiisii maanta uga hadlay ayaa dadka Soomaaliyeed ugu gacan haatiyey inay is dabo qabtaan oo cadowgooda ku baraarugaan.

Sidoo kale Sheekh Suldaan waxuu fariin u diray madaxda Soomaalida, isagoo u soo jeediyey inay mas’uuliyadooda gutaan oo dadka inta hartay badbaadiyaan ama ka hor wareegaan.

Isha: Caasimadda Online

Hadalsame Media