Ciidamada Ruushka oo taangi dardarsiiyey nin taliye u ahaa (Jeneraal Muslim ah oo Ruushka uga dhintay dagaalka Ukraine)

0

(Kyiv) 25 Maarso 2022 – Kornayl Ruush ah ayaa la sheegayaa in la dardarsiiyey laguna diley taangi ay wateen ciidamadiisa oo ka xumaaday askar badan oo uga dhimatay dagaalka, sida ay sheegayaan ilo ammaan oo Galbeed ah.

Sarkaalka dhintay ayaa la sheegay inuu hoggaaminayey Guutada 37-aad ee Taangilayda ah oo ka dagaallanta afaafka hore ee Kiev.

Weriye reer Ukraine ah oo la yiraahdo Roman Tsimbalyuk ayaa horay Arbacadii usoo bandhigay muuqaalka kornaylka oo la sheegay in la yiraahdo Yuri Medvedev, kaasoo ay Ruushanku bareelle ku sidaan.

Tsimbalyuk ayaa sheegay in shilkani dhacay kaddib markii ay kooxdani la kulantay khasaare mood iyo noolba ah oo 50% ah.

Medvedev ayaa la sheegay inuu lugaha cardaadiqo ka noqday oo loola cararay dalka Belarus halkaasoo uu markii dambe ku xijaabtey iyadoo ay askarta dishey ka caraysnayd dagaalka oo ay dad badani uga dhinteen.

Saraakiisha Galbeedka ayaa sidoo kale in Jeneraal Yakov Rezantsev, oo ahaa Taliyihii Guutada 49-aad ee lugta lagu diley dagaalka Ukraine.

Rezantsev ayaa ku jira ilaa 7 jeneraal oo Ruushka ilaa iminka uga dhintay dagaalka Ukraine, waxaana ku jira Jen. Magomed Tushaev, oo watey Ciidanka Chechen-ka ee gaarka ah ee uu Vladimir Putin u diray Ukraine. Waxaa ninkan oo ahaa gacanta midig ee Kadyrov lagu diley agagaarka Hostomel.

Hadalsame Media