Wasiir Dibaadeedka Shiinaha oo Kabul gaarey (Wefdi Ruush ah oo isna halkaa jooga & waxa ay ka dhigan tahay)

0

(Hadalsame) 24 Maarso 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa Khamiistii gaaray caasimadda Afgaanistaan ee Kabul, isagoo la kulmay mas’uuliyiin uu ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan Amir Khan Muttaqi.

Maamulka Taalibaan ee Afgaanistaan ayaan weli laga aqoonsan caalamka, hase yeeshee booqashada wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ee Kabul ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah Taalibaan.

Afhayeenka awasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taaliban Abdul Qahar Balkhi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in marka laga soo tago arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha, kulankan looga hadlay doorka Afghanistan ee mashruuca Belt and Road ee Shiinaha iyo arrimo kale oo labada dhinac ah.

Wang Yi, ayaa gaaray magaalada Kabul kadib markii uu magaalada Islamabad kaga qeyb galay shir laba maalmood socday oo ay lahaayeen Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

Sida laga soo xigtay Abdul Qahar Balkhi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa booqasho ku tagay Kabul ,si uu ugala hadlo maalgashiga macdanta, tamarta iyo aagagga dhaqaalaha ee Afgaanistaan ​.​”Beijing waxay haysataa fursad ay ku kordhiso saameynta ay ku leedahay Afgaanistaan”. Ayuu yiri Abdul Qahar.

Wang Yi waa masuulkii ugu sarreeyay oo Shiine ah oo booqda Afgaanistaan tan iyo markii ay Taalibaan qabsadeen magaalada Kabul bishii Agoosto ee sanadkii hore.

Booqashada Wang Yi ee Kabul ayaa imaaneysa, xilli Shiinahu uu martigelin doono shir ay isugu imaanayaan diblamaasiyiin sarsare oo ka socda dalalka dariska la ah Afgaanistaan oo ka dhici doona magaalada Beijing dhammaadka bishan, kaas oo looga hadlayo xaaladda Afghanistan.

Shir madaxeedka ka dhacaya magaalada Beijing ayaa waxaa ka qeyb galaya diblomaasiyiin sare oo ka kala socda Pakistan iyo Shiinaha, iyo sidoo kale wakiillo ka socda dalalka kale ee deriska la ah Afghanistan.

Dhinaca kale, waxaa Khamiistii shalay magaalada Kabul gaaray wefdi ka socda dowladda Ruushka oo uu hoggaaminayo ergeyga gaarka ah ee Ruushka u jooga dalka Afghanistan Zamir Kabulov.

Wafdiga Ruushka ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taliban Amir Khan Mottaki, sida uu sheegay Hafiz Zia Ahmed, ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Taalibaan ee Afghanistan, waxayna labada dhinac ka wadahadleen xoojinta xiriirka siyaasadeed, dhaqaale iyo isu socodka gobolka.

Falanqeeyaha arrimaha Afghanistan Tahir Khan ayaa u sheegay VOA in booqashada saraakiisha Shiinaha iyo Ruushka ee Kabul ay tahay mid muhiim ah inta lagu guda jiro colaadda Ukraine.

Isha: VOA

Hadalsame Media