MW Maraykanka oo wata mid ka mid ah dayuurado lagu naanayso ”Yoowmal Qiyaame” (Maxay qabtaan?)

0

(London) 25 Maarso 2022 – Dayuuradda Madaxwaynaha Maraykanka ee lagu naanayso ‘Dayuuraddii Yoowmal Qiyaamaha’ ayaa ka mid ah dayuuradaha la socda MW Maraykanka ee Joe Biden oo booqasho rasmi ah oo 4-maalmood ah ku jooga qaaradda cajuusada ah si uu u mideeyo aragtida Galbeedka ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Dayuuraddan oo la yiraahdo E4-B Nightwatch kana kooban raxan 4 xabbo ah, ayaa loo naqshadeeyey inay u gigsato kaah-falka nukliyeerka iyo inay talis-cireed duulaya u noqoto Ciidamada Maraykanka ee daadsan daafaha caalamka.

Mid ka mid ah diyaaradahan – oo ah nooca Boeing 747 oo markii ugu horreeysay howsha  soo gashay 1980-meeyadii – ayaa shalay u duushay saldhig-cireedka Ciidanka Cirka UK ee RAF Mildenhall oo ku yaal Suffolk, iyadoo shidaal ku qaadatay hawada dhexdeeda markii ay ka soo tallaabtay Badwaynta Atlantic.

Diyaaradan waxaa loogu talagalay in ay ka badbaado garaaca elektromagnetic-ka ee ka dhasha qaraxa nukliyeerka ee gaaraya jihooyinka ku xeeran halka lagu dhuftay iyo in ay isku xirto cutubyada ciidamada Maraykanka ee adduunka oo dhan si ay uga jawaabaan weerar  kasta oo cadaawe.

Diyaaradahan ayaa awood u leh inay amar ka soo gudbiyaan Madaxweynaha oo ay u gudbiyaan maraakiibta gujiska ah ee Nukliyeerka xambaarsan ee Maraykanka iyo gantaalaha baalistigga ah ee ICBM, waxaana lagu tilmaamaa inay yihiin ‘Pentagon duulaya’.

Horraantii toddobaadkan, sarkaal sare oo Kremlin ah ayaa ka digey in Moscow ay adeegsanayso xuquuqda isticmaalka hubka nukliyeerka haddii ay dhacdo ‘khatar ka dhan ah’ waddankooda.

Hadalsame Media

Facebook Comments