2 nin oo Ruush ah oo Wasiirka Gudaha UK iskaga dhigay RW Ukraine & jawaabo aysan ka fiirsan (Daawo)

0

(London) 25 Maarso 2022 – Laba nin oo Ruush ah ayaa shalay soo bandhigay muuqaal kaas oo mid ka mid ah labada nin, uu iska dhigayo Ra’iisul Wasaaraha Ukraine, Denis Shmygal, oo u sheegaya Xoghayaha Arrimaha Gudaha Britain, Priti Patel, inuu rajaynayo in Britain ay ogolaato “wadaniyiinta Ukraine” ee dhanka midig ee degaya dalkooda. Patel oo aan dhadhansan biyo dhaca warkan ayaa sheegay in dadweynaha Ingiriisku aysan ka welwelsanayn arrintaas.

Muuqaalkan Wasiiradda lagu wacay – oo ay sameeyeen laba nin oo loo yaqaan Vovan iyo Lexus – ayaa la sheegay in uu dhacay 15-kii Maarso, soo wacaha oo iska dhigaya Shmygal ayaa u sheegay Patel, “Waxaan rajeynayaa in qoysasku aysan ka cabsan doonin waddaniyiinteenna, sida Putin uu isku dayayo inuu idiinku cabsiiyo.”

Patel ayaa markii ugu horeysay ku jawaabtey “waxaan bilownay qorshaha kafaalaqaadka shalay, si dadku ay u muujiyaan xiisaha ay u qabaan guri siinta muwaadiniinta Ukraine.”

“Maya, waxaan ula jeedaa dadka waddaniyiinta ah (kooxaha cunsuriga ah), sida Putin uu iskugu dayayo inuu ku cabsiiyo adduunka oo dhan,” ayuu yiri. “Waxaa jira Banderas badan, kooxaha neo-Nazi-ga, waxaan rajeynayaa in muwaadiniinta UK aysan ka baqaynin iyaga.”

“Sida cad maya ka biqi maayaan,” Patel ayaa ku jawaabtey. “Taageeradu aad bay u badan tahay halkan, runtii waa sidaas.” ayay leedahay iyadoo u muuqata inaysan fahmin kooxaha ay raggani ka hadlayaan.

Muuqaalka ay duubeen labadan xidig ayaa waxa uu soconayaa wax ka yar hal daqiiqo mana lahan macne kale. Labada nin ayaase ballanqaaday inay hilinkooda kasii dayn doonaan nooc ka dheer “dhowr maalmood gudahood.”

Wadahadalka ayaa dhacay maalin kaddib markii Dowladda Ingiriisku ay billowday qorshaha ‘Homes for Ukraine’, kaas oo muwaadiniinta Ingiriiska ah lagaga codsaday inay “guryahooda u furaan dadka ka soo cararaya dagaalka Ukraine” iyadoo marka ay ballanqaadkaas helaan ay Dowladda UK siinayso fiisooyin ay dalkaa ku noolaan karaan kana shaqaysan karaan ilaa saddex sano.

Waxay “Banderas” iyo “neo-Nazis,” ula jeedaan kooxaha Nazi-ga ah ee ka jira Ukraine ee aadka u majeerta Stepan Bandera oo ahaa cunsuri iyo argagixiso la shaqeeyey Hitler, islamarkaana ay ku dheeraayeen aragtiyaha sinjigu.

Vovan iyo Lexus (Vladimir Kuznetsov iyo Alexei Stolyarov) waa rag lagu yaqaan ka boollaysiga dadka, iyagoo horay uga boollaystay Elton John iyo Prince Harry, iyo madax ay ka mid yihiin RW Canada, Justin Trudeau iyo xitaa MW Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Hadalsame Media