XOG: Aamino Max’ed oo hal sabab darteed u diiddey inay aqbasho hanjabaado loo jeedinayey

0

(Hadalsame) 24 Maarso 2022 – Khadra Ducaale, Wasiirkii hore ee Ganacsiga DF Somalia ayaa kashiftay hadalkii ugu dambeeyey ee ay is dhaafsadeen Allaha u naxariistee Aamino Max’ed Cabdi oo shalay lagu khaarajiyey qaraxyo ka dhacay Beledwayne oo ay dood badani ka abuurantay.

”Sheekaysigii ugu dambeeyey ee aan Aamina la yeesho wuxuu ahaa todobaadkii tegey. Waan u baqayey waxaana u sheegay inay Somalia ka tagto ammaankeeda dartii,” ayay Twitter kusoo qortay Khadra.

Waxay iigu jawaabtey: “Marka aan gebigeen tagno ka warran dhallinyaradeenna? Waxaan aaminsan ahay Ilaahay mana isu dhiibayo hanjabaado.” Erayadaasi way i dhibayaan. Allaha u naxariiisto. Aamiin. Ayay raacisay.

Somalia ayaa haatan maraysa meel aad u liidata iyadoo uu meeshii ugu hooseeysey taagan yahay kalsoonidii ay shacabku ku qabeen nidaamkii dalka iyo sida wax loo wado haatan.

Hadalsame Media