Qaraxii shalay kahor arrin ka dhacday Madaxtooyada Beledwayne oo aan waxba lagu qaadan balse digniin wayn ahayd (Maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 24 Maarso 2022 – Waxaa shalay la qarxiyey Madaxtooyada Hirshabeelle oo ku dhex taalla Xerada Lama-galaay oo ah meel la sheego in si aad ah loo ilaaliyo, halkaasoo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad aad u fara badan.

Ha yeeshee, dad goobjoog ah oo ay qaar madax ihi ku jiraan ayaa Hadalsame Media u xaqiijiyey in aanu jirin wax hab-raac ammaan ah iyo dishibiliin u degsan sida loo ilaalinayo aaggaasi, taasoo u baahan isbeddel xooggan, welibana ay dembi aad u wayn tahay in sidaa loo gabo ammaanka goob ay iskugu imanayaan madaxdii gobolka oo dhan.

”Waxa meesha dhooban ciidan beeleed, istaaf gaar ah, AMISOM, ciidan dowladeed, mid gobol, waxaa meesha taagan 100 tikniko ah laakiin qofka ku ag taagan ma taqaanid waxa uu yahay iyo sida uu meesha kusoo galay,” ayuu yiri qof ka mid ah madaxda halkaa tagtay oo Hadalsame ka codsaday in aan la xiganin.

Waxaa sidoo kale dhacday in habeen aan fogayn halkaa ay ka dhacday arrin ishaaro ammaan iyo farriin digniin ah u diri kartey dadka tegaya goobta doorashada: Nin isku soo hilay darajooyin ciidan oo kuwa jeneraalka ah ayaa mar qura la arkay isaga oo teendhada dhex fadhiya, waxaana mar qura bilaabatay hunnu-hunnu ku saabsan waxa uu ninku yahay iyo cidda keentay ama taqaan.

Ninkii ayaa waxaa loo diray dad si hoose wax u waydiiya waxaana uu sheegay hadallo is khilaafsan oo ku saabsan ciidanka uu xukumo iyo halka ay joogaan, waa lasii dabagalay markii uu baxay ilaa markii dambe gurigiisa laga soo xiro oo uu qirto inuu ka tirsan yahay kooxda Al Shabaab, sida uu noo sheegay qof goobjoog ahaa oo weliba ka mid ah madaxdii halkaa joogtey.

Arrintan ayaa muujinaysa habacsanaan iyo habraac ammaan oo aan wax xirfad ah iyo qorshe ku dhisnayn, waxaana kasii daran in qaraxyadii shalay lagu dhamaaday uu dhacayo kaddib arrinkan oo ay ahayd in ay hurdada ka toosiso ciddii ammaanka u xil saaran iyo xitaa dadka goobtaa tegayey.

”Marar badan ayaan hoos iyo korba u sheegnay inuu ammaanku dayacan yahay oo meeshani halis tahay. Xitaa dadka qaar ayaa diidey inay meelaha qaar tagaan.” ayuu Hadalsame ku yiri qofkaasi oo Beledwayne ku sugan.

Hadalsame Media