Laba tillaabo oo uu Farmaajo horay u qaaday oo waajibinaya su’aalaha ka taagan weerarkii Garoonka & Qaraxii Beledwayne

0

(Hadalsame) 24 Maarso 2022 – Garoonka Muqdisho waxaa amnigiisa gacanta ku haya NISA, oo hoos taga Farmaajo,mar uu doonay wasiirka Amniga ee Rooble la garabka ah in uu NISA garoonka ka saaro waxaa aad uga hor yimi cid kasta oo u arkayey in khatar ka imaan karto, beesha caalamkuna kow ka tahay.

Garoonka Muqdisho maaha goob amnigeeda la dhayal san karo, waxaase is weydiin leh, sidee rag hubaysan intay garoonka iyo Xalane iridaha laga soo galo intay u soo gaadheen dad ajnabiya oo tababarayaal ah ugu laayaan, meeyey sirdoonkii ay hawshooda ahayd in ay wixii khatara ka hortaagan?

Baladweyne dhawaan Farmaajo wuxuu ka soo khiyaameeyey Xuut, wuxuuna geeyey ciidan xoog badan oo isugu jira Haramcad iyo NISA, waxaana gacanta ku haya magaalada nabad galyadeeda Farmaajo oo Maamul-goboleedka Hirshabeelle ma laha ciidan u gaar ah, muddooyinkii ugu danbeeyey waxaa ka dhacayey qaraxyo dad badan ku nafwaayeen.

Su’aalaha is waydiinta mudan waxay tahay muxuu Farmaajo la gole imaanayaa oo doonayaa in lagu doorto?

Waxaa Qoray: Asad Caddaani Ibaahim

Hadalsame Media

Facebook Comments