Afar eedood oo uu Rooble ku leeyahay dilka Aamina Max’ed

0

(Hadalsame) 24 Maarso 2022 – Dilka Aamina, ninkaan Rooble ahi qayb wayn buu ku leeyahay 4 sababahan dartood:

Waa ay iska caddahay in dilka Aamina lala xiriirin karo kuwii qashay Ikraan Tahliil.

1. Ragga Ikraan Tahliil gacantooda ku maqan tahay ayada oo Soomaalidu meel uga soo wadajeedsatay ayuu Maxamed Xuseen Rooble oggolaaday in raggaasi gacanta ku sii hayaan hay’adaha nabadgelyada dalka.

2. Waxa uu oggolaaday in isla raggaasi ayaga oo weli ammaankii dalka gacanta ku haya ay kuraas xildhibaannimo boobaan, ayada oo dastuurki si cad u qeexay in aan taliye ciidan iyo eedaysane midkoodna xildhibaan noqon karin.

3. Rooble waxa uu jabiyay ballankii oo qoyska Ikraan Tahliil iyo Alle ba ka qaaday ee ahaa in uu caddaaladda horkeeni doono damblayaasha Iktaan qashay.

4. Markii Rooble ku ballanfuray reer Tahliil iyo Alle, Aamina Maxamed baa ahayd qofka keliya ee uu istaagtay raadinta xaqii dhibbane Ikraan Tahliil.

Dhimashada Aamina waxaa ka mas’uul ah Maxamed Xuseen Rooble iyo dadkii ay ka dhalatay oo noqday lo gisi oo kale.

Waxaa Qoray: Cali M. Diini

Hadalsame Media