Sida uu u dhacay qaraxa lagu khaarajiyey Aamino Max’ed & xaalad ka taagan Beledwayn (RW Rooble oo hadlay)

0

(Beledwayn) 23 Maarso 2022 – Qarax ismiidamin ah ayaa lagu khaarajiyey Xildhibaanad hore Aamino Maxamed Cabdi oo u tartamaysey Baarlamanka 11-aad, waxaana uu qaraxu ka dhacay gudaha Madaxtooyada magaalada Baladwayne.

Xiriir uu Hadalsame la sameeyey magaalada Beledwayn waxaa naloo sheegay in qofka is qarxiyey uu galay hoolka doorashada iyadoo qofka naftii halligaha ihi uu isku duubay marxuumadda oo bartilmaameed koowaad u ahayd kaddibna uu isku qarxiyey.

Qaraxa 2-aad ayaa deeto ka dhacay Hotel Kaamil kaasoo xooggiisa laga dareemay xaafadihii ku dhowaa oo ay xitaa soo daateen safiitooyinkii guryaha, welina xog faahfaahsan lagama hayo khasaaraha.

MAGAALADU WAA MUGDI – Waxaan ku dhowaad jirin isu socodkii magaalada waayo waxaa go’an korontadii qaybo badan oo ka tirsan magaalada oo uu jaray qarixii dambe oo waxyeelleeyey kaawooyinkii dabka sidey. ”Wax isu dhaqaaqaya malahan howshu faraha ayay ka baxday qof walba meeshii uu joogay ayuu ku argagaxsan yahay.” ayuu Hadalsame u sheegay qof magaalada ku sugan oo diidey inaan magaciisa xiganno.

Waxaa marka Aamina laga soo tago sidoo kale qaraxa ku dhintay xildhibaan hore Xasan Cali Cabdi (Dhuxul) oo ahaa musharraxa kursiga HOP 058, kaasoo ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay Beledwayne. Allah u naxariisto dhammaantood.

Wasiirkii hore Waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa ku dhaawacmay qaraxyada ka dhacay Beledwayne isaga oo dhaawaciisa lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Beledwayne.

Dhanka kale, RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee caawa lagu dilay Xildhibaanadii hore Aamino Maxamed Cabdi & Xasan Cali Cabdi (Dhuxul) oo ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Rooble ayaa sidoo kale Hay’addaha Ammaanka faray in baaritaan lagu sameeyo dilka Xildhibaanada gaar ahaan Aamino. “Waxaan farayaa hay’adaha amniga ee ku shaqada leh in ay baaritaan waafi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falkan waxshinimo ee lagu dilay xildhibaanadda.” ayuu yiri Rooble.

Xildhibaanadda ayaa si wayn u daba socotey kiiskii Ikraan Tahliil oo iyada lafteeda aan kiiskeeda oo lagu tuhmayo madax ka tirsan NISA aan weli meel la saarin, si aad u liidatana loo maamulay maamul ahaan.

Hadalsame Media