Ma qarax caadi ah mise khaarajin siyaasadeed? (5 su’aalood oo is waydiin mudan)

0

(Hadalsame) 23 Maarso 2022 – Inkastoo ay iska cadahay in dilka walaashen marxuumad Aamina uu yahay khaarajin siyaasadeed (political assassination) haddana bal aan weydiinno su’aalahaan inta isku dayeysa inay arrintan daboosho.

1 – Xildhibaan Aamino allaha u naxariistee waxey Beledweyne ku sugneed in ka badan muddo bil iyo bar ah, ee maxaa maanta kusoo beegay markii kursiga Fahad iyo kooxdiisu waqtiga badan geliyeen looga guuleystay, bulshaduna ku maadsatay.

2 – Aamino laguma dilin magaalada dhexdeeda iyo suuqa kale ee waxa lagu dilay bartamaha xerada lama galaay oo ah halka madaxda oo dhan dagantahay, doorashaduna ka socoto, oo ka dhigan sida Xalane.

3 – Aamina keligeed ayaa qofka isku qarxiyey isku duubay iyadoo usoo socota Hall ka doorashada, oo ay ka billaaban rabtay doorashada kale.

4 – Kaba soo qaad in Shabaab ay bartilmaameed u ahayd, maxay u dili waayeen marka ay kursiga kusoo noqoto ama weyso in kastoo inta la socotay siyaasadda Beledweyne maalmahan ay rejadeedu 80% ahayd.

5 – 250 Xildhibaan ayaa ila hadda dooran oo ku kala sugan dhammaan magaaloyinka dalka. Maxaa Aamina ku koobay? Maxaa se hadda ku beegay?

Aamino duco noogama baahna, ee hiil bay nooga baahan tahay.

Waxaa Qoray: Max’ed Royal

Hadalsame Media