Lafta-gareen: Ficilkiisa, fahankiisa iyo faankiisa ayaa isburinaya

0

(Hadalsame) 23 Maarso 2022 – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagtagareen oo habeenkii axadda kula hadlay magaalada  Baydhabo xildhibaannada lagu xulay maamulkiisa ayaa ku hadlay waxyaabo ka baxsan runta, isaga oo soo qaatay warar is burinaya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku faanay in ay noqdeen kuwii ugu horreeyey ee fuliyey in wax lagu doorto labo deegaan doorasho, oo aanu u baahan Haramcad iyo ciidan kale oo ay ku filnaadeen.

Laftagareen oo arrintaas ka hadlay waxaa uu yiri “Koonfur Galbeed iyo guddigeeda waxaa ay sameeyeen ay dadka Soomaaliyeed oo dhan uga horreeyaan, haddii dadka Soomaaliyeed isma sheegaane innaga ayaa is sheegeyna. Marka ugu horreyso waxaan aheyn State-kii ugu horreeyey ee dhaqangeliyey heshiiskii September 17 oo baqdinta badan laga qabay, oo ahaa in labo deegaan doorasho la qabto.”

Laftagareen waxaa uu qariyey in musharraxiinta xildhibaannada, odeyaasha iyo ergadaba ay ku tageen diyaarado iyo doomo, cabsi weyna ay jirtay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ku amaanay iney habraacyada heshiiska September 17 u fuliyeen sida ay tahay isaga oo yiri “Waxay ku mahadsan yihiin guddiga nidaamkii iyo habraacii doorashada oo aan ku heshiinnay 17 September, iyada oo Process-kii rasmiga ahaa la marayo ayey doorashadii qabteen 69-kii”. Si ka duwan hadalkaas Laftagareen ayaa dafiray xuquuqda muwaadinka ee dastuuriga ah, isaga oo albaabada ka xirtay siyaasiyiin uu u arko in ay ka aragti duwan yihiin ama kula baratami karaan goleyaasha siyaasadda.

Dhacdooyinka ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa qaar ka xanibay safaradda sida madaxweynihii isaga ka horeeyey Shariif Xasan, guddoomiye ku xigeenkii golaha shacabka Cabdiweli Muudeey, halka shahaadad loo diiday diideen ama laga xanibay tartanka sida Guddoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari, wasiiro federaalka ah sida Cabdirashiid Maxamed,  Jaamac Maxamed Nuur, Maxamuud Macalin Yaxye iyo qaar kale. Waxaa kale oo uu iska indha tiray tacaddiyadii ka dhanka ahaa madaxweynihii hore ee maamulka Shariif Xasan, Prof Ibbi, Maxamed Cumar Dhalxa, Idiris Dhakhtar  iyo qaar kale.

Madaxweyne Laftagareen waxaa uu sheegay in guddiga doorashada uu ahaa midka keliya ee ka madaxbannaan Corruption, waana guddiga u xiray kuraasta illaa 15 ka tirsan wasiirrada maamulka Koonfur Galbeed oo ay ku jiraan wasiirrada amniga, gudaha, qorsheynta, hawlaha guud, xannaanada xoolaha, diinta iyo 10 kale oo isugu jira wasiirro, ku xigeenno iwm.

Waxaa kale oo uu maamulka Laftagareen xulay guddoomiyaha baarlamaanka Konfur Galbeed, qaar ka tirsan lataliyeyaashiisa sida midkii amniga iyo arrimaha haweenka iyo saraakiil ciidan oo maamulka ah, kuwa NISA iyo xataa taliyaha asluubka Soomaaliya oo Laftagareen xidid yihiin iyo Taliyaha qeybta 60-aad ee xoogga dalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Laftagareen waxaa uu iska indhotiray in guddiga doorashada koonfur gabeed ay laaleen go’aanno kasoo baxay guddiga heer federal ee doorashada, si ay u fuliyaan amarada madaxweynaha.

Ugu dambeyntii waxaa uu Laftagareen ku baaqay “Xildhibaannada Koonfur Galbeed lagu doortay waa 77 xildhibaan, 8 Senator iyo 69 xildhibaan, waxa ugu muhiimsan oo Koonfur Galbeed aan rabno waxa ay tahay midnimo inaad muujisaan, 77 xildhibaan maanta state heysto ma leh, labo state la isku daray baa 77 xildhibaan leh, waxaan rabnaa awoodda iyo tirada intaas la eg in Koonfur Galbeed, oo aan la idiin kala qeybin, waxaan Soomaalinnimo aheyn aadan ka shaqeyn, Koonfur Galbeedna aad u shaqeysaan”. Madaxweynaha waxaa uu iska indhotiray aragti dad badan ay qabaan oo ah inuu geedfadhigii Koonfur galbeed uu ka reebay loolanka isaga oo ka leh dano shakhsi ah.

Ma jirin 77-ka xildhibaan oo labada gole ee Koonfur galbeed ka yimid, hal kursi oo tartan ka dhacay, iyaga oo xulasho iyo rabitaankiisa ku yimid, taasi oo ka hor imaaneysa faankiisa.

Isha: Goobjoog

Hadalsame Media