”Khudbaddaadii Kneset-ku waxay ahayd mid ceebaysan!” – Falastiin oo ka xumaatay hadal kasoo yeeray MW Ukraine

0

(Haifa) 23 Maarso 2022 – MW Ukraine ee Volodymyr Zelensky ayaa Israel ku dhaliilay inaysan in ku filan ka gaysanin caawinta dalkiisa, balse markii uu isku dayey inuu weerarka Ruushka barbardhigo gubistii Yuhuudda ee Holocaust waxaa weerar kusoo qaaday Xildhibaannada Yuhuudda oo diidey inuu inkiro sidii ay cunsuriyiinta Ukraine ula dhaqmeen Yuhuudda Dagaalkii 2-aad, haatan waxaa sidoo kale dhaliishiisa kusoo biirtay Falastiin oo dhinac kale wax ka aragta, iyagoo diiddan in Israel loola dhaqmo sidii dal ku jira xaaladda Ukraine.

Hadalkaagii dhowaan aad ka hor jeedisey Golaha Knesset ee Israa’iil wuxuu ahaa mid ceeb ah marka ay timaado halganka caalamiga ah ee xorriyadda iyo xoraynta, gaar ahaan dadka Falastiiniyiinta. Waxaad beddeshay doorarkii qabsadaha iyo la haystaha. Waxaad lumisay fursad kale oo aad ku muujin lahayd cadaaladda qadiyadaada iyo qadiyada guud ee xoriyada, ayuu qoraalkiisa ku bilaabay Prof Asad Ghanem oo Culuunta Siyaasadda ka dhiga University of Haifa, islamarkaana ah gayfane Falastiini ah.

Waxaad tiri: “Waxaan nahay wadamo kala duwan oo ku jira xaalado gebi ahaanba kala duwan. Laakiin khatartu waa isku mid: annaga iyo adinka labadaba – burburinta guud ee dadka, gobolka, dhaqanka. Iyo xitaa magacyada: Ukraine, Israel.”

”Waxaan ka caraysan ahay kana murugan ahay in Ruushku uu doonayo inuu dalkaaga qabsado oo uu ku tunto xuquuqaha reer Ukraine iyo aaya ka talintooda, waxaanse sidoo kale kasoo horjeedaa hadalkii aad ka jeedisey Baarlamanka Isarel iyo guud ahaanba siyaasadda Maraykanka iyo NATO ay dunida ka waddo,” ayuu yiri Prof Ghanem oo qoraal dheer ku qoray MEE.

”Waxa kale aan ka walaacsan ahay hab-dhaqankaaga laba wejiilaynta ah ee ku wajahan halganka sharciga ah ee Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah haysashada dhulkooda, cadaadiska, dilka, takoorka jinsiyadda iyo barakicinta oo ah dembiyada ay Israa’iil ku dhaqmaysay dadkayga in ka badan 70 sano tan iyo 1948-kii oo loo yaqaan Naqba.” ayuu raaciyey.

Aqoonyahankan ayaa MW Ukraine usoo jeediyey in waloow uu ugu riyaaqsan yahay sida uu u dumay isbahaysi caalami ah oo ka dhan ah duullaanka Ruushka iyo sida uu dadkiisa ugu dhiirri geliyey inay is difaacaan taasoo dhiirrigelin u noqonaysa cid kasta oo la haysto ama la isku dayo in la qabsado, ay misna khalad tahay in uu isku khaldo daalimka Israel iyo madluumka Falastiin.

Waxaa Diyaariyey: Max’ed Xaaji

Hadalsame Media