Khabar midkii hore ka cabsi badan oo kasoo baxay wiilkii Soomaaliga ahaa ee khaarajiyey Xildhibaan Amess

0

(London) 23 Maarso 2022 – Ninka loo haysto dilkii Xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamaanka UK ayaa qirtay inuu qorsheeyay weerarro kale oo uu ku jiro Wasiir ka tirsan Xukuumadda, Michael Gove, sida ay maxkamadda London ah sheegtay.

Cali Xarbi Cali oo 26-jir ah, haystana dhalashada dalka Britain, isla markaana uu dhalay La-taliyihii hore ee dhinaca Warbaahinta ee Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa waxaa loo haystaa dacwad la xiriirta dil iyo diyaarinta falal argagixiso.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Cali ay sanado badan ku qaadatay qorsheynta weerar uuna horay sahan iyo dabagal ugu sameeyay xildhibaanka Gove iyo midka Conservative ka tirsan ee Mike Freer.

Cali “waxa uu daraasadeeyey oo uu qorsheeyey weerarro ka dhan ah xubno ka tirsan baarlamaanka iyo aqalladiisa,” Tom Little, oo ah Qareenka Dacwad oogayaasha, ayaa sidaa u sheegay maxkamada maalintii ay furmaysey dacwaddu.

“Taa waxaa ka mid ahaa safarro sahan ah oo uu ku tegay degaan-doorashada Mike Freer iyo ciwaanka guriga Michael Gove.” ayuu raaciyey.

Dilka Amess oo 69-jir ahaa, oo ahaa xaasle dhalay shan caruur ah, ayaa argagax ku ridday Westminster, waxaya horseedday baaqyo ah in la wanaajiyo ammaanka xubnaha baarlamaanka, iyadoo shan sano uun laga joogo markii xildhibaan kale lagu diley jidka.

Xildhibaanada UK waxay si joogto ah u qabtaan wax loo yaqaan “qalliinno siyaasadeed” oo ah shirar ay dadka soo doorta si mid-mid ah ay ula kulmaan iyagoo tegaya deegaanada soo doortay si ay baahidooda iyo aaraadooda u dhegeystaan, taasoo ah caado loo arko inay gundhig u tahay dimuqraadiyadda dalkaasi.

Hadalsame Media