Iska ilaali dawooyinkan haddii aad dhiig-kar qabto (Bayaan digniin ah & cudur halis ah oo laga qaadi karo)

0

(Hadalsame) 23 Maarso 2022 – Shirkadda dawooyinka samaysa ee Pfizer ayaa ku dhawaaqday inay dib u celinayso dawooyin badan oo ah nooca Accuretic ah, iyada oo u sababaynaysa maaddo aan la aqbali karin oo heerkeedu sarreeyo oo ay nidaamiyeyaasha Maraykanku sheegeen inay sababi karto cudurka kansarka.

Dadkii u isticmaalay dawadan cudurrada dhiigkarka si loo yareeyo khatarta shallalka ama istaroogga iyo wadna xanuunka ayaa waxaa lagula taliyey inay raadiyaan dookhyo kale.

Dhowr “nooc oo wasakhaysan” ee Accuretic ah iyo laba nooc ee horay loo oggolaaday oo ay ka kooban tahay oo ah maaddooyinka (quinapril HCl/hydrochlorothiazide) oo ay qaybisay Greenstone ayaa la ogaaday inay leeyihiin heerar sare oo maadada N-nitroso-quinapril ah oo ka sarreeysa Qaadashada Maalinlaha ah ee La Aqbali karo (ADI) ee ay dejiyeen nidaamiyeyaasha Maraykanku, sida ay bayaan ku sheegtay Pfizer.

Shirkaddu waxay bixisay nambarro fara badan iyo macluumaad kale si loo ogaado daawooyinka xumaaday ee aannu ka hadlayno.

In kasta oo qof walba uu la kulmo wax ka mid heerka nitrosamines, noocyadani waxay kordhin karaan halista inuu qofka kansar ku dhaco haddii dadku ay qaataan muddo dheer heerar ka sarreeya kuwa la aqbali karo.” ayay tiri isla Pfizer.

Dawadan ayay tahay inay dadku ka taxaddaraan maadaama Somalia aad looga qaato dawooyinka cudurradan sidoo kalena aanu dalku lahayn tayo-dhowr la isku hallayn karo.

Pfizer waa shirkadda samaysa tallaalka loogu qaadasho badan yahay ee cudurka Covid-19, iyadoo walaaca ugu badani yahay in sharikaadka dawooyinka oo xiriir dhow la leh siyaasiyiinta waawayn ay qaab musuq ah mararka qaar ku helaan shatiyada dawo iibinta & shahaayinka sheegaya inay dawadu tahay mid ku san ama ku habboon in la qaadan karo.

Hadalsame Media