”Taasi ma dhici karto!” – MW Ukraine oo dayro weji gabax ah kala kulmay dhiggiisa Maraykanka (Muxuu ka codsaday?)

0

(Hadalsame) 22 Maarso 2022 – Aqalka Cad ayaa si cad u diiday rajo kasta oo laga qabi lahaa in Madaxweynaha Maraykanka ee Joe Biden uu booqdo Ukraine, isagoo caddeeyay in dookhaasi aanu ahayd mid xitaa laga fikirayo.

Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad, Jen Psaki, ayaa mar ay la hadlaysay suxufiyiinta, Isniintii, kahor safarka hoggaamiyaha Maraykanka ee loo qorsheeyay inuu ku tago Yurub waxay xaqiijisay mowqifkaasi.

Waxay mowqifkan xitaa Axaddii soo dhigtay Twitter-ka si ay u caddeyso in Biden “uusan qorsheyneynin inuu u socdaalkiisa Yurub ku daro dalka Ukraine.”

Afhayeenku waxaa ay intaa raacisay in, madaxweyne kasta, marka uu u safrayo aag dagaal aan kaliya loo baahnayn tixgelin xagga amniga ah, laakiin “qadar aad u badan oo tas-hiilaad ah dhulka looga baahan yahay waana arrin culus”, sida ay tiri.

Waxay sheegtay in taa biddaalkeeda uu Madaxwaynuhu diiradda aad u saari doono kulammada uu la yeelanayo hoggaamiyeyaasha NATO, G7, EU ee Brussels si loo go’aamiyo isuduwidda howlaha millateri ee sii socda, bini’aadminnimada iyo dhaqaalaha, iyo sida sidoo kale asigoo booqanaya dalka Poland oo daris la ah Ukraine si ay ugala hadlaan wax walba oo ku saabsan min qaxootiga, gargaarka qaxootiga iyo kaalmada joogtada ah, sida ay tiri.

Maraykanka ayaa horay u diiday in uu dhaqan-geliyo aag duullimaadyada ka caaggan, in Ukraine dayuurado la siiyo iwm.

Hadalsame Media