Askari Ruush ah oo taangigii uu kaxaynayey ka iibsadey Ciidamada Ukraine (Lacagta uu siistay & mid loo ballanqaaday qofkii diyaarad keena)

0

(Kyiv) 22 Maarso 2022 – Askari Ruush ah ayaa taangigii uu wadey u dhiibay ciidamada millateriga Ukraine isaga oo kaga iibsadey $10,000 oo doollar, sida uu Talaadadan sheegay La-taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ukraine, Denys Monastyrsky.

Sida laga soo xigtey Viktor Andrusiv, oo ah xubin ka tirsan Ciidamada Ruushka – ninkan oo loo yaqaan “Misha,” oo loo soo gaabiyo Mikhail – ayaa si ikhtiyaari ah taangiga dagaalka ee ugu wayn millateriga Ruushka ugu wareejiyay Ukraine.

Andrusiv wuxuu sharraxay in Misha uu wacay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ukraine maalmo kahor si uu u soo bandhigo dalabka, kaas oo markaa loo gudbiyay Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Wasaaradda Difaaca.

Askariga Ruushka ah ayaa dabadeed la siiyay fagaare wax lagula kala wareego halkaas oo markii uu yimid ay ku xireen ciidamo gaar ah.

Ninkan ayaa la sheegay in uu keligii kasoo haray unugtii taangiga, intii kalena ay ka carareen, isna aanu dan u arkin inuu sii dagaallamo, haddii uu laabtana waxaa loogu gooddiyey in ka tooganayo, sida uu sheegay Andrusiv oo qoraal uu soo dhigay Facebook.

Wuxuu Misha intaa raaciyey in aysan jirin wax haray oo la sameeyo, in taliska ciidamadu uusan nidaamsanayn oo uu ahaa fowdo islamarkaana uu niyad-jabku aad u wayn tahay.

Askarigan ayaa haatan lagu hayaa goob ay ogyihiin Ciidamada Ukraine iyadoo $10,000 oo doollar la siinayo marka uu dagaalku dhamaado iyo sidoo kale jinsiyadda Ukraine haddii uu sidaa codsado.

Dhanka kale, ilaa 1 milyan oo dollar ayaa loo ballan qaaday duuliyihii lasoo goosta oo soo gacan geliya diyaarad dagaal waxay sidii kale ciidamada Ukraine 500,000 oo doollar siinayaan askarigii u keena helakabtarrada Ruushka, sida uu sheegay Yuri Gusev, oo ah Madaxa Shirkadda Agabka Milateriga ee Dowladda Ukraine.

Hadalsame Media