“Sweden waa la igu cunsuriyeeyey Soomaaliyana waxaa la iigu hanjabayaa dhimasho” – Sakiya Xuseen

0

(Hadalsame) 20 Maarso 2022 – Sakiya Xuseen” Sweden cunsuriyad Soomaaliyana khatar dhimasho”

Gabadhii yaraanteeda Sweden lagu cunsuriyeeyey hadda Waa gabadha kaliya ee ugu sareysa Booliska Soomaaliya, waxa ayna ku nooshay xaalad qatar dhimasho ah”sidaas waxaa lagu daabacay wargeyska Skånska Dagbladet ee ka soo baxa koofurta Sweden.

Noloshii Sweden

Jeneraal Sakiya Xuseen hadda waa Taliye Xigeenka Booliska Soomaaliya waxa ay ku soo barbaartay magaalada yar ee Eslöv ee dhacda gobalka Skåne ee koofurta Sweden, waxa ay aheyd gabadha kaliya ee madow ee ku jirtay fasal ka kooban 35 caruur ah, xiligaas waxa ay aheyd gabar farxad badan oo u keento caruurta fikrado muhiim ah, laakiin waxa ay dhowr jeer la kulantay midabtakoorkii ugu horeeyey, iyada oo lagu aflagaadeynayo midabkeeda, ha yeeshee waxa ay hooyadeed ka heshay talooyin muhiim u ahaa nolosheeda.

“Si kasta oo laguu niyad jabiyo ama laguu xaqiro ogow aqoontu waa awoodda kaliya ee aad kaga gudbeyso”. Talo hooyo.

”Markaan dib u milicsado carruurnimeydii aad ayaan ugu faraxsan ahay in aan ku soo koray Eslöv, waa tuulo yar, mana illaawi karo nolosheydii, waxaan dib u xasuusanayaa saaxibadeydii iyo waxyaabihii aan sameyn jiray caruurnimadii, waxaase mar kasta xasuusnaa in aan Soomaali ahay.” Ayay ku tiri Taliye Sakiya oo u warameysay wargeyska SD.

Macalimadii Sakiya

Catrina Svensson waa macalimadii Sakiya, weli wey xasuusataa ” waxa ay aheyd gabar fariid oo abaabul badan, mar ayaa khalad laga sameeyey waxa ayse ku xalisay in ay qorto maqaal cabasho ah.

Catrina waxa ay sheegtay in ku faraxsan tahay in mid ka mdi ah ardaydeeda ay maanta ay tahay gabadha ugu sareysa Booliska Soomaaliya.”

“Waa khatar anigu kuma dhiirran meel ay dhimashadu joogto tahay laakiin iyada waxa ay go’aansatay in ay isbadal sameyso,”  ayay tiri macalimad Catrina.

Sakiya dhimasho ayey halis u tahay!
Ka hor inta aysan Soomaaliya ku laaban Zakiya waxa ay jaamacad kaga baxday magaalada London, ka dibna waxa ay go’aansatay in ay dalkeeda hooyo ku laabato si ay qayb uga noqoto dib u dhiska.

”Waa joogto in lagu cabsi galiyo, lagu liido, sababo la xiriiro in aad tahay gabar, waana tan keentay in si gaar ah la ii bartilmaamsado iyada oo la leeyahay sidee gabar ciidan u hogaamin kartaa?laakiin marna ma niyad jabin” ayey tiri Taliye Sakiya.

Soco ee shaah ii keen!

Xili uu shir noo socday anigana aan watay dhar caadi ah ayaa sarkaal iga derajo hooseeye igu amray in aan u keeno shaah, markaa ayaan anigana amar ku celiyo in uu labadeenaba noo keeno, markiiba wuu ogaaday qaladkiisa salaan ayuu i siiyey shaahiina wuu keenay, ujeedadu waa in la is wada ixtiraamo iyada oo xilka iyo lab iyo dhedig midna la eegeyn ayey tiri Zakiya oo intaas raacisay in ay dooneyso in ay taariikh uga tagto hablaha kale ee ciidamada ku jiro.

Nuxurka sheekada uu Sakiya ka qoray wargeyskan ayaa akhristayaasha u lahaa xiiso gaar ah, maadaama ay aheyd gabar yar oo ku soo barbaartay Sweden, haatanse ah gabadha kaliya ee maanta ugu sareysa Booliska Soomaaliya.

Sweden waxa ay kala kulantay cunsuriyad Soomaaliyana khatar dhimasho, welina waxa ay ku jirtaa halgan sidii Soomaaliya u noqon lahayd waddan nabad ah oo cadaaladi ka jirto.

W; D: Cabdiraxmaan Xudayfi

FG: Sakiya ma sharrixin cidda geerida ugu gooddisey inay gabar tahay darteed.

Hadalsame Media