Somaliland oo fasiraad deg deg ah ka bixisay waxa looga dan leeyahay agabka ciidan ee Shiinuhu siiyey DF

0

(Hargaysa) 19 Maarso 2022 – Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga fal-celiyey saanad ciidan oo uu Shiinuhu shalaytoole ugu deeqay DF Somalia, taasoo ka kooban ilaa 35 gaari oo ay 20 xamuul ciidan yihiin, inta kalena booyado iyo aambalaasyo.

Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bile, oo qoraal kooban arrintan kasoo saaray ayaa dood ka keenay xilliga lagu soo beegay siismada agabkan ciidan ee uu Shiinuhu keenay Somalia, taasoo la waafajiyey jeer uu Muuse Biixi booqasho ku joogo Maraykanka, sida uu u dhigay.

Wuxuu Bile sidoo kale arrintan ku fasiray wax uu ku sheegay ”daandaansi cad oo la doonayo in lagu carqaladeeyo xiriirka Somaliland, Taiwan iyo Maraykanka,” sida uu qabo.

“Qalabka millateri ee Shiinuhu u diray Ciidanka Soomaaliya, xilli uu Madaxweynaha Somaliland booqasho ku joogo dalka Maraykanka, ma aha wax iska yimi, balse waa daandaansi lagu carqaladaynayo xiriiirka Somaliland ee Taiwan iyo Maraykanka,” ayuu yiri Agaasinka Guud ee Madaxwtooyada Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga DF Somalia, Cabduqadir Maxamed Nuur, oo shalay ka hadlayey madashii ay Somalia agabkan kula wareegaysey ayaa isna tibaaxay in agabkana oo aysan horay u haysani uu kusoo beegmay xilligii ugu munaasibsanaa, halka Danjiraha Shiinaha ee Muqdisho uu ballanqaaday in aanay kaalmadani noqon doonin middii ugu dambaysey ee ay Somalia siiyaan.

Shiinaha ayaa aad uga gilgisha dalalka iyo dhinacyada xiriirka la samaysta Taiwan oo ay haatan Somaliland kusoo biirtay asal ahaan ka tirsanayd nidaamka ka jiraana uu wada xukumi jirey Shiinaha, balse markii dambe uu ka dhashay nidaam ay taageeraan Galbeedku, waloow aanay lahayn aqoonsi rasmi ah.

Hadalsame Media