RW hore ee Britain oo gaari uu gacantiisa ku wado gargaar ugu qaaday dalka Ukraine + Sawirro

0

(London) 19 Maarso 2022 – RW hore ee UK, David Cameron, ayaa daboolka ka qaaday inuu gacan ka gaysanayo kaalmada aadminnimo ee Ukraine isagoo saanado gargaar ah gaari van ah ugu qaadaya Poland.

Hoggaankii hore ee Xisbiga Muxaafidka oo safarkiisa soo aaddan shalay ku faafiyey warbaahinta bulshada isagoo la socda 2 qof oo ka tirsan Chippy Larder, oo ah mashruuc cunto oo galbeedka Oxfordshire ah ayaa la rumaysan yahay inuu si mutadawacnimo ah kula shaqaynayo muddo 2 sano ah.

Md Cameron ayaa sheegay in mashruucani soo ururiyey kaalmo kala duwan oo ka buuxda gaariga yar min “xafaayadaha ciyaalka, mujuruca ay nuugaan, waxyaabaha faya-dhowrka ilaa dharka diirran iyo agabyada gargaarka deg degga ah”.

RW hore ee UK ayaa isagoo shirka saaran soo sawiray deetana ku qoray: “Waxay noqon rabtaa safar dheer, balse waan idinla socodsiin doonaa wixii wadada ka dhaca #StandWithUkraine.”

Mar uu todobaadkan la hadlay Channel 4,  Md Cameron ayaa ku baaqay in kaalmo dheeraad ah lala gaaro Ukraine.

Hadalsame Media