Qiimaha ay guud ahaan ku fadhiyaan gaadiidka la siiyey DF oo la kashifay (Sida la moodayo oo uu aad uga duwan yahay)

0

(Muqdisho) 19 Maarso 2022 – Dalka Shiinaha ayaa DF Somalia ku wareejiyey gaadiid iyo agab ciidan oo uu ugu tala galay Ciidanka Xoogga Dalka Somalia.

Gaadiidkan oo iskugu jira kuwa xamuulka ah ee qaada ciidamada iyo sahaydooda iyo sidoo kale kuwa gurmadka caafimaadka ayaa waxaa Dekedda Muqdisho Shiinaha kaga guddoomey Wasiirka Gaashaandhigga DF Somalia & Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Haddaba, Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixisay noocyada uu gaadiidkan iyo agabkani ka koobnaa iyo xitaa qiimaha uu ku kacayo oo aad runtii u hooseeya.

Qalabkan oo guud ahaan ku kaaya 5 milyan oo doollar oo qura, ayaa ka kooban 20 gaari oo ah kuwa askarta lagu daabulo, 5 booyadood oo shidaalka qaada, 5 booyadood oo biyaha dhaamiya, 5 Humvee oo aambalaasyo ah oo gurmad ah iyo 22 xabbo oo ah biraha miinooyinka iyo qaraxyada sheega.

Gaadiidkan ayaa waxaa ka mid ah kuwa Shiine-sameega ah ee xamuulka iyo agabka ciidanka daabula ee Shacman iyo sidoo kale noocyada fudud ee loo yaqaan Humvee-ga oo uu Maraykanku sameeyo oo ah gaari otomaatig ah oo doorar badan oo ay soo saarto AM General.

DF Somalia oo uu musuq baahsani ka jiro ayaa ku guuldarraysatay hal arrin oo ah in dowladihii kala dambeeyey aanay ku jirin mid hal gaari oo yarba ha noqdee soo iibsatey waloow lacago badan lagu bixiyo musuq iyo laaluush, sida tan xildhibaannada iwm la siiyo, ama lagu bixiyo faafinta dacaayado rakhiis ah oo ashkhaas lagu ammaano ama lagu caayo.

Hadalsame Media