Markii ugu horreeysey taariikhda oo dagaal loo adeegsadey gantaalaha guuxooda ka dheereeya

0

(Hadalsame) 19 Maarso 2022 – Ruushka ayaa Jimcihii adeegsaday gantaalladiisa cusub ee aadka u dheereeya ee hypersonic kaasi oo uu ugu magac-daray Kinzhal, waxaana uu doonayay in uu ku burburiyo keyd dhulka hoostiisa ah oo lagu keydiyo gantaallaha iyo rasaasta kuna yaalla galbeedka Ukraine. Goobta la weeraray ayaa u dhow Romania oo ah dal xubin ka ah xulufada NATO, waxaana tani ay falanqeeyayaashu ku sheegeen in ay tahay markii ugu horreysay taariikhda dunida ee la adeegsado hubka ceynkan ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa warkan xaqiijisay Sabtida maanta ah, waxaana ay timid maalintii 24-aad ee collaaddan, iyo xilli ay Ukraine ay iska caabin xooggan ku hakisay horumarkii ciidamada Ruushka, sida ay sheegeen saraakiil reer galbeed ah.

Ruushku waligiis ma qiran in uu dagaal u isticmaalay hubkan saxnaanshaha sare ee sugan leh, waxaana wakaaladda wararka dowladda ee RIA Novosti ay warisay in ay ahayd markii ugu horaysay ee la adeegsado Kinzhal (Dagger) intii uu socday duullaanka Ukraine.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in nidaamka gantaalaha Kinzhal oo wata gantaalada hawada sare uu burburiyay bakhaar weyn oo dhulka hoostiisa ku yaalla oo ay ku keydsanaayeen gantaalada iyo rasaasta hawada, waxaana ay sheegtay in goobta ay beegsatay ay tahay tuulada Deliatyn ee gobolka Ivano-Frankivsk.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa gantaalka Kinzhal ku tilmaamay hub tayadiisu sarreyso oo ku duuli karo xowli toban laab ka dheereeya kan codka, kana gudbi kara difaacyada gantaalaha hawada.

Gantaalka Kinzhal ayaa ka mid ahaa hubka cusub ee Putin uu ku soo bandhigay khudbaddiisii qaran ee 2018-kii.

Deliatyn, oo ah tuulo ku taal cirifka buuraha bilicda leh ee Carpathian ayaa ku taalla duleedka magaalada Ivano-Frankivsk. Gobolka Ivano-Frankivsk ayaa soohdin 50 km ah la wadaaga dalka Romania.

Gantaalada Hypersonic-ga ayaa loo adeegsan karaa in ay xanbaaraan madaxyada hubka dagaalka, waxaana ay ka dhaqsa badan yihiin gantaallaha kale.

Laakin awooddooda ay hubka nukliyeerka ku qaadi karaan ayaa halista sii kordhin karta, iyadoo kor u qaadeysa khatarta ah in uu dhici karo dagaal loo adeegsado hubka wax gumaada.

“Waa markii u horreysay ee dunida ee hubka hypersonic ah loo adeegsado dagaal,” ayuu AFP u sheegay Vasily Kashin oo ah khabiir ka faallooda arrimaha militariga.

Ruushka ayaa hogaanka u haya tartanka hypersonics-ka, waxaana ku xiga Shiinaha iyo Mareykanka, iyadoo dhowr dal oo kale ayaa ka shaqeynayaan in ay sameystaan.

Isha: AFP, VOA

Hadalsame Media