Maraykanka oo kashifay dalab ay Somalia ka diiddey Shiinaha & sida uu go’aankaasi u fiican yahay

0

(Muqdisho) 19 Maarso 2022 – Taliyaha Taliska Ciiddanka Maraykanka ee AFRIKOM, Jen. Stephen Townsend, ayaa sheegay in DF Somalia ay u xaqiijisay in aysan marna oggolaan doonin in Shiinuhu uu saldhig ciidan ka sameysto dalka Somalia.

Jen. Townsend oo la hadlay weriyaha VOA u qaabilsan arrimaha Waaxda Gaashaandhigga ee Pantegon, Carla Babb, ayaa wuxuu tibaaxay in Dowladda Shiinuhu ay DF Soomaaliya uga geed fariisatay siidi loo siin lahaa saldhig iyo arrimo kale.

Wuxuu jeneraalkani intaa raacshey in Somalia ay Shiinaha uu xiriir fog la lahaan jirey ay uga dhaaratay inay siiso saldhigga ciidan ee uu ka codsaday, tiiyoo uu shalay Muqdisho siiyey 35 gaari oo ah kuwa ciidanka.

Shiinaha oo haatan saldhiggiisii ugu horreeyey ku leh dalka Jabuuti ayaa doonaya inuu isku ballaariyo qaaradda Afrika inteeda kale oo ay haatan kaddib 70 sano oo xornimo beenaad ah ku hardamayaan quwado waawayn jeer ay iyadu weli u dayacan tahay hoggaan xumo tabaalaysay oo aynigeed ka reebtay.

Maraykanka oo ka faa’iidaysanayey samadoonnimadii ay Afrika u fidisay Barack Obama ayaa xilligaa Afrika oo idil ku fidiyey saldhigyo ciidan oo hoos taga Talis uu xilliyadaa sameeyey oo la yiraahdo AFRIKOM.

ayaa ku eedeeyay Shiinaha inuu guranayo kheyraadka macdanka Afrika, isagoo u maraya saldhigyo milatari oo uu ka sameysto gudaha Afrika, iyadoo ay Sirdoonka Maraykanku isha ku hayaan Shiinaha oo sidoo kale ay xog ku leheen inuu qorsheynayo inuu saldhiggii ugu horreeyay ee ciidan oo rigli ah uu ka sameysto Badweynta Atlaantigga gaar ahaan dalka Bartamaha Afrika dhaca ee Equatorial Guinea.

DF Somalia ayaa ku saxan inay iska diiddo wixii saldhigyo ciidan shisheeye ah oo ay haatanba la ciirciirayso waloow ay kuwa haatan joogaa ay yihiin nabad ilaalin mar uun bixi doona oo aanay rigli ahayn waxaa fiican in intii suurtagal ah laga fursado, waayo taasi marka lagasoo tago dhibaatooyinka madax bannaani iyo kuwa bulsho ee lagala kulmo ciidamadaasi, waxaa sidoo kale dhaawacmaysa dhexdhexaadnimada dalka saldhigga bixiyey oo sidoo kale bartilmaameed sharci ah noqonaya haddii uu dagaal caalami ihi bilowdo.

Hadalsame Media