Dayuuradaha F-35 & J-20 oo isku sigtay & Maraykanka oo ay hal arrin amakaag ku noqotay (Daawo)

0

(Hadalsame) 19 Maarso 2022 – Dayuuradaha guuxooda ka dheereeya ee ugu casrisan Maraykanka iyo Shiinaha ayaa isku sigtay, sida laga soo xigtey Taliska Ciidamada Maraykanka ee ku sugan hawada Indo-Pacific.

“Waxaa dhowaan isku sigtay dayuuradeenna F-35 iyo tan J-20 oo duulayey hawada East China Sea, waxaana la yaabnay bandhigga dayuuradda J-20,” ayuu yiri Jen. Kenneth Wilsbach, oo ah Taliyaha Ciidanka Cirka USAF ee Badda Baasifigga oo waraysi siinayey machadka culuunta cirka ee Mitchell Institute for Aerospace Studies.

Dayuuradaha F-35 iyo J-20 oo ka mid ah dayuuradaha ugu dambeeya labada dal ee Maraykanka iyo Shiinaha, ayuu Md Wilsbach qiray in Ciidanka Cirka Shiinuhu ay muujiyeen inay leeyihiin ciidamo leh mug iyo karti dugsanaysa tiknolojiyad casri ah.

Wilsbach oo sheegay inuu ka maqsuuday qaabkii ay dayuuradda u xakameeyeen iyo hab-dhaqaaqa guud ayaan kashifin xilliga ay dayuuradahani isku sigteen, isagoo sidoo kale xaqiijiyey inaysan kaliya ahayn J-20, balse ay arkeen dayuurado kale oo Shiinays ah oo xirfad badan muujinaya markii ay duulayeen aaggaasi.

Dayuuradda J-20, ayaa ka mid noqotay dayuuradaha Ciidanka Cirka Shiinaha 2017 waana dayuurad aanu raadaarku arki karin sida F-35 waxaana lagu naanaysaa “Mighty Dragon”, balse lama oga inay tahay dayuurad doorar badan ciyaarta iyo inay ku kooban tahay hal aag sida ku gacan sarraynta hawada sida in hawada lagu qabto dayuuradaha kale iyo gantaalaha, sida uu qiray Wilsbach.

F-35 ayaa iyadu ah dayuurad doorad badan, waxaana marka laga soo tago ku sarraynta hawada, dagaal bisadeedka dayuuradaha dhexmara, tiknolojiyad siinaysa gacan sare iyo ogaan hordhac ah, joogga sare iwm waxaa u dheer inay fulin karto weerarro dhulka lagu qaado.

Halkan ka daawo macluumaad ku saabsan isbarbardhigga labadooda:

Hadalsame Media