Dayuurad dagaal oo Maraykanku leeyahay oo dhoollatus ku samaynaysey Ruushka agtiisa oo lagu dhammaaday

0

(Hadalsame) 19 Maarso 2022 – Dhammaanba afartii askari ee saarnayd dayuuradda joogga u duusha ee ee MV-22B Osprey oo ay lahaayeen Ciidanka US Marine Corps oo shalay lagu waayey Norway ayaa la xaqiijiyey inay wada dhinteen.

Booliiska maxalliga ah ayaa xaqiijiyey in dayuuraddan oo ah helakabtar iyo dayuurad caadi ah oo isku barxan kana mid kuwa ugu qaalisan, ay ka qayb qaadanaysey dhoollatus Jawaabta Qabow oo ay NATO ku samaynaysey Norway oo Ruushka xad kala leh woqooyiga fog.

Sida ay sheegeen Ciidanka Norway, V-22 Osprey ayaa samaynaysey duullimaad tababar ah, iyadoo laga sugayey Saldhig-cireedka Bodo Air Base 6pm xilliga maxalliga ah, balse waa la waayey.

Goobta shilka ayaa isla shalay la meeleeyey balse jawiga oo aad u xumaa oo baraf iyo dabayl watey ayaa caqabad iyo hantaaturro ku noqday gurmadkii, gaar ahaan helakabtarrada waxaase markii dambe maanta lagu tegey dhanna dhulka, balse waxay ahayd raqdii diyaaradda.

Ivar Bo Nilsson oo ka tirsan Booliiska Degmada Nordland ayaa xaqiijiyey inay wada dhinteen afar askari oo wada Maraykan ahaa.

RW Norway, Jonas Gahr Støre, ayaa u “tacsiyeeyey qoysaskii, qaraabadii iyo asxaabta kale ee askarta ahayd ee ay wada shaqaynayeen.

Dhoollatuskan oo sanadle ah ayaa ujeedkiisu yahay in lagu tijaabiyo sida ay Ciidamada NATO ugu gigsan karaan cimilada xun, waxaana uu bilowday 14kii Maarso, iyadoo ay ka qaybgelayaan 30,000 askari, 220 dayuuradood iyo 50 markab dagaal oo ka socda 27 dal oo ay ku jiraan kuwa aan NATO ahayn sida Finland iyo Sweden.

Lama oga sababta shilka, balse waa la baarayaa, iyadoo aan la hakin doonin dhoollatuska oo soconaya tan iyo 1-da Abriil.

Hadalsame Media