Ukraine oo qishtay goorta uu heshiis rasmi ihi dhici karo (Shuruudaha & hal arrin oo aysan marna aqbalaynin)

0

(Kyiv) 18 Maarso 2022 – Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa laga yaabaa inuu la kulmo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin “toddobaadyada soo socda,” Kaaliyaha Zelensky, Mikhail Podolyak, ayaa sidaa sheegay.

Kulanka, si kastaba ha ahaatee, wuxuu dhici karaa oo kaliya marka “heshiis nabadeed” oo u dhexeeya Kiev iyo Moscow la saxiixo, ayuu yiri.

“Marka howsha heshiiska la dhameeyo, waxaan bilaabi doonnaa qabanqaabada shirka. Waxay taasi dhici doontaa toddobaadyada soo socda. Meesha uu ka dhacayo waxay noqon kartaa meel kasta, marka laga reebo Ruushka,” Podolyak ayaa sidaa ku sheegay waraysi uu siiyey Wirtualna Polska Portal.

Dhamaystirka heshiiskan nabadeed waxa uu qaadan karaa waqti u dhaxeeya dhawr maalmood ilaa toddobaad iyo bar, waloow uu sarkaalku qiray in Yukrayn iyo Ruushku ay ku kala adkaysanayaan aragtidooda.

“Bixitaan degdeg ah oo ciidamada Ruushku sameeyaan waa mid ka mid ah dhinacyada ugu muhiimsan ee heshiiska nabadda. Si kastaba ha ahaatee, wada xaajoodyadu waa geeddi-socod ballaaran oo aan ku lug lahayn oo keliya Ruushka iyo Ukraine. Poland, iyo kuwo kale, ayaa ka qayb qaadan kara. Ma aha oo kaliya in la saxiixo heshiis. Waxaan rabnaa inaan samayno hannaan gaar ah oo dammaanad qaadi doona amnigeenna mustaqbalka.” ayuu Podolyak sharraxay, isagoo soo jeediyay in xitaa in la gaaro heshiiska aysan macnaheedu ahayn dhammaadkii iskahorimaadka.

Labada dhinac oo ilaa haatan 4 wareeg oo wada hadal ah galay ayaan ku heshiin wax ka badan in la furo wadiiqo aadminnimo balse howsha far iyo suulintu waa socotaa, waxayna u egtahay in uu heshiis iman karo.

Hadalsame Media