Putin oo wacay Erdogan & shuruudo ka kooban 2 qaybood oo uu ku xirey heshiiska Ukraine (Tibxaha?)

0

(Ankara) 18 Maarso 2022 – Turkey ayaa weli waan waan ka dhex wada dalalka Ruushka iyo Ukraine, waxaana xalay galab saacad iyo bar telefoon ku wada hadlay  MW Vladimir Putin oo wacay dhiggiisa Recep Tayyip Erdogan, oo uu u sheegay shuruudaha uu wato si heshiis loo gaaro.

Waxaa wixii lagu wada hadlay dhegeysanayey, Ibrahim Kalin, oo ah La-taliye sare iyo Afhayeenka MW Turkiga, kaasoo BBC News u sharraxay shuruudaha Moscow oo 2 qaybood ka kooban:

Afarta dalab ee ugu horreeya kuma adka Ukraine sida uu qabo Mr Kalin, waxaana ka mid ah in Ukraine aqbasho inay dhexdhexaad ahaato oo aanay NATO ku biirin, taasoo uu horayba debecsanaan ugu muujiyey MW Volodymyr Zelensky.

Waxaa kale oo qaybtan 1-aad ka mid ah qayb loo arko mid uu wejiga ku badbaadsanayo Ruushku sida in Ukraine hubka laga dhigo si aanay halis ugu noqon, ilaalinta afka Ruushka ee Ukraine iyo in Naasiga laga sifeeyo dalkaasi, taasoo dan u ah MW Ukraine oo Yuhuud ah dad ay qaraabo yihiinna uu Naasigu laayey Dagaalkii 1-aad.

Qaybta 2-aad ayaa woxoogaa adag waxaana ku jirta in Ukraine aqbasho in jasiirad u ekaha Crimea oo laga goostay 2014 ay tahay qayb ka tirsan Ruushka, sidoo kale maqaamka Gobolka Donbas oo uu Ruushku sheegay inuu 2 jamhuuriyadood u aqoonsaday ayaa ku jira.

Waloow uusan Ibrahim aad u faahfaahin wuxuu ku gaabsaday in Putin doonayo inuu arrintan si fool ka fool ah ugala hadlo Zelensky kahor intaan laga heshiin.

Hadalsame Media