”Idinkuna xaaqin ku duula hadda kaddib!” – Ruushka oo Maraykanka kaga aarsaday Hawada Sare (Sida uu muhim u yahay & ISS oo dhulka lagu soo dayn karo)

0

(Hadalsame) 18 Maarso 2022Xilli ay sii xumaanayso xiisadda u dhaxaysa reer Galbeedka iyo Ruushka tan iyo markii Ruushku soo galay Ukraine, NASA ayaa waxay bilawday inay shamiso siyaabo lagu ilaalin karo Saldhigga Caalamiga ah ee Hawada Sare (ISS) iyada oo aan loo baahan caawimaad Ruush ah.

Si kastaba ha noqotee, waloow weli aysan jirin calaamado degdeg ah oo muujinaya in Moscow ay ka baxayso iskaashigan caalamiga ah, sarkaal sare oo la yiraahdo Kathy Lueders, oo madax ka ah Barnaamijka Duulimaadka Hawada Sare ee hay’adda NASA, ayaa u sheegtay suxufiyiinta in biddaal loo baahan yahay haddii lakala boodo.

Halka dhinaca Maraykanka ee ISS ay bixiyaan saanadda tamarta iyo taageerada nolosha, Ruushku waxa uu mas’uul ka yahay dhanka kicinta iyo ilaalinta in saldhiggu uu ku sabbeeyo falaggiisa: waxay sidaa ku sameeyaan iyaga oo adeegsanaysa dayax-gacmeedka ay leeyihiin ee Progress loo yaqaan, kaasoo saldhigga ISS ku haya joog dhan 250 mayl (400 km).

Toddobaadkii hore, Madaxa Hawada Sare ee Ruushka, Dmitry Rogozin, ayaa ka hadlay inay dhici karto in Ruushku uu ka baxo iskaashiga ISS isaga oo ka jawaabaya cunaqabataynta Maraykanka, taas oo keenaysa inay dhismaha ISS oo uu cufkiisu yahay 400 oo tan uu kusoo dhaco dhulka iyada oo ay weliba u badan tahay inuusan wax u gaysan dalkiisa Ruushka, maadaama fallaga uu ku wareego aanu in badan ka dul marin Ruushka.

Ruushka ayaa sidoo kale horraantii bishan hakiyey matoorraddii gantaalaha sii qaada dayax-gacmeedyada Maraykanka ee jawigan ka saara, iyadoo laga soo xigtey “Xaaladdan oo kale Maraykanka kama iibin karo matoorradeenna oo ah kuwa dunida ugu wanaagsan, marka wax kale haku duulaan, xaaqinkooda iyo wixii kale oo ay heli karaan anigu ma aqaane,” oo uu yiri isla Dmitry Rogozin, oo sheegay in tan iyo 1990meeyadii, ay Ruushanku Maraykanka siiyeen 122 matoor oo ah nooca RD-180.

Maraykanka ayaa doonaya inay u weecdaan in haddii la kala boxo ay ciirsadaan dhanka SpaceX iyo Elon Musk oo bartiisa twitterka horay ugu soo qoray inuu diyaar u yahay ka qayb qaadashada badbaadinta Saldhigga ISS.

Kaddib dhammaadkii Dagaalka Qaboobaha kaddib, Maraykanka iyo Ruushka ayaa si joogto ah isula deganaa ISS muddo 21 sanadood ah, iyadoo aanay waxba u dhibin duufaanno siyaasad-dhuleed, gaar ahaan duullaankii Ruushka ee Crimea 2014.

Yeelkeede, duullaanka haatan ee uu Ruushku ku qaaday Ukraine oo ay ka dhalatay cunaqabatayn iyo go’doomin aan horay loo arag ayay khubaradu sheegaysaa inay dhimi karto iskaashigii labada dal ee hawada sare.

Hadalsame Media