Wadamo ka tirsan Galbeedka oo ay ka bilaabatay in iskuullada loogu cagajugleeyo carruurta Ruushka ah (Dal la magacaabay)

0

(Hadalsame) 17 Maarso 2022 – Hay’adda u dooda xuquuqda carruurta ee Save the Children ayaa ku baaqday in la joojiyo cagajugleynta lagu hayo carruurta Ruushka, iyadoo sheegtay inay noqdeen bartilmaameedyo lagu xad-gudbo dhanka iskuullada iyo internetka, taasoo ku salaysan nacaybka loo qabo dalka ay u dhasheen xilli uu soconayo duullaanka millateriga Moscow ee Ukraine.

Daandaansiga ayaa aad u xumaaday, heer uu gaaro in carruurta asal ahaan ka soo jeeda Ruushka ee Danmark jooga ayaa ka baqayaan in subaxdii dugsiga la geeyo oo ay waalidku raacaan, ayuu yirii Lataliyaha Sare ee Save the Children, Jon Kristian Lange, oo la hadlay hilinka Danish-ka ah ee TV2 Talaadadii.

Carruurta ayaa “waxay sheegtaan marmarsiinyo sida inay calool xanuun qabaan” iyagoo rajaynaya inaysan maalintaa iskuul aadin, ayuu raaciyay, isagoo soo xiganaya warbixinnada waalidiin badan oo walaacsan.

Lange wuxuu sheegay in takoorku la mid yahay wixii ay soo gaareen carruurta asalkoodu yahay ee Aasiya ka soo jeeda kaddib markii uu fayraska Covid-19 ka yimid Shiinaha.

Save the Children ayaa la soo xidhiidhey dugsiyada si ay kor ugu qaadaan ka warqabka cagajugleyntan cunsuriyadda ku salaysan ee ugu dambeeysey waxayna soo bandhigtay talooyin ku saabsan sida looga hadli karo dagaalka Ukraine iyada oo aan ceebeynin ardayda Ruushka.

Hadalsame Media

.

Facebook Comments