Maraykanka oo sii kordhiyey xayiraad uu saarayo madaxda Somalia & sida aysan caqli u ahayn in arrintan la fududaysto

0

(Washington, DC) 17 Maarso 2022 – Maraykanka ayaa war hor leh kasoo saaray xayiraad fiise oo uu horay usoo rogey kaddib markii la dhaafay waqtigii horay loogu qabtay doorashada ee 25-kii Febraayo.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa haatan sheegay in lasii kordhiyey tirada shakhsiyaadka siyaasiyiinta iyo gacan yarayaasha Soomaalida ah ee lagu soo rogey xayiraada dal ku galka, kaddib markii la dhaafay 15-ka Maarso.

Maraykanka ayaan weli dibedda soo dhigin magacyada dadka ay arrintani khusayn doonto.

Yeelkeede, wuxuu horay u carrabaabay nooca ay saamayn doonto oo ah rag uu ku eedeeyey inay “wiiqayaan dimoqraadiyadda Soomaaliya,” waxaa la rumeysan yahay inay ku jiraan qaar ka mid ah Madaxda Soomaalida, Saraakiil ciidan iyo qaar iyaga ka ag dhow oo la shaqeeya.

Marka la eego sida loo ceejiyey Ruushka oo ah cudud caalami ah ma aha in ragga ay arrintani ku socotaa ay dhayalsadaan iyo in danta qaran ee dalka lagu kharribo doonis shakhsi ah maadaama ay arrintani dalkana saamayn karto, weliba ku darsoo Ruushku wixii uu doonayey oo uu u arkayo dan qaran wuu sameeyey, laakiin arrinta haatan la isku haysto ma aha dan qaran oo mudan in wax loo huro ee waa dan qofeed oo gaaban.

Hadalsame Media