Dal wayn oo Ameerika ku yaalla oo Ruushka waydiistey tamar nukliyeer ah oo uu Maraykanku horay ugu diidey

0

(Hadalsame) 17 Maarso 2022 – Dalka Brazil ayaa ka codsaday Ruushka in laga caawiyo horumarinta markabkeedii ugu horreeyay ee gujis ah ee ku shaqeeya tamarta nukliyeerka ah intii lagu jiray booqashadii Madaxweyne Jair Bolsonaro ee Moscow bishii hore, warqaadka maalinlaha ah ee Folha de S.Paulo ayaa weriyey Arbacadii, isagoo soo xiganaya ilo ciidan.

Sida laga soo xigtay wargeyskan, Brazil waxay markii hore kaalmo u raadsatay Washington inay ka caawiso dhanka shidaalka tamarta nukliyeerka iyo “arrimaha injineeriyadda”, laakiin wadahadalladii ayaa burburay 2018-kii.

Dalkan Koonfurta Ameerika ayaa markaas la sheegay inuu u weecday dhanka Ruushka inuu caawiyo. Bolsonaro ayaa la sheegay inuu ka codsaday dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin inuu ka caawiyo tamarta markabkan gujiska ah intii lagu jiray safar uu ku tagay Moscow bishii hore.

Safarka ayaa dhacay todobaad kahor inta uusan Ruushku weerarin Ukraine. Saraakiisha Brazil ayaa waxay la kulmeen Wakaaladda Tamarta Nukliyeerka ee Dowladda Ruushka ee Rosatom, taas oo horeyba heshiisyo ku saabsan bixinta shidaalka warshadda qura ee tamarta nukliyeerka ee Brazil ugula jirtey, iyo sidoo kale waaxda daryeelka caafimaadka.

Si kastaba ha ahaatee, kaddib markii uu ku soo laabtay Brazil, Bolsonaro wuxuu sheegay in Brazil ay sidoo kale xiisaynayso tignoolajiyada nukliyeerka ee Ruushka “si ay quwad ugu helaan gujisyadooda,” ayuu yiri wargeysku.

Hadalsame Media

Facebook Comments