”Xitaa waxaan ka hadlaynaa tirada ciidanka ay yeelan doonaan!” – Ruushka oo qish ka bixiyey heshiiska ay la geli rabaan Ukraine (Dalal tusaale u ah)

0

(Moscow) 16 Maarso 2022 – Moscow ayaa doonaysa in Ukraine ay noqoto dal aan marna ku biirin NATO oo dhexdhexaad ah, iyadoo sheegtay inay “dalkaa dabka ka dhigayso” iyo shuruudo kale.

Vladimir Medinsky, wada xaajoodaha ugu sareeya ee Ruushka ee wadahadalka nabada ee Ukraine, ayaa sheegay in Kiev ay ka filirayso fikradda ah noqoshada qaran dhexdhexaad ah.

“Ukrayn waxa ay soo jeedinaysaa inay noqoto qaabka Austrian ama Iswidhishka oo ah dawlado dhexdhexaad ah, laakiin leh ciidankeeda lugta iyo badda,” Medinsky ayaa u sheegay suxufiyiinta Arbacadan, isaga oo intaa ku daray in “cabirka ciidamada Ukraine” ay ka mid tahay arrimaha laga wada hadlay.

Moscow waxay doonaysaa in Ukraine ay si rasmi ah u noqoto waddan dhexdhexaad ah oo aan waligood ku biirin NATO.

Ruushka ayaa weeraray Ukraine 24-kii Febraayo, isagoo sheegay inay raadinayaan “hub ka-dhigista” dalkaasi, iyo shuruudo kale.

Medinsky wuxuu ku celceliyay in Moscow ay rabto in Kiev ay u aqoonsato Crimea qayb ka mid ah Ruushka, iyo sidoo kale madaxbannaanida wax ay Ruushku ku sheegeen Jamhuuriyadaha Donetsk iyo Lugansk (DPR iyo LPR).

Arrimaha kale ee muhiimka ah ee walaaca uu ka qabo Ruushka ayaa ah “in laga tirtiro dalkaasi Naasiyiinta” Ukraine iyo xuquuqda dadka ku hadla Ruushka ee ku nool dalkaasi

Awstariya waxay ku dhawaaqday inay tahay waddan dhexdhexaad ah 1955-kii. Shuruucdeedu waxay ka mamnuucayaan inay ku biiraan xulafada milliteriga iyo inay martigeliyaan saldhigyada ciidamada shisheeye oo yimaada ciidda Austria.

Dalka Iswiidan waxaa inta badan lagu tilmaamaa waddan ‘aan dhanna raacsanayn’, marka loo eego dhaqankiisa soo jireenka ahaa ee ahaa in aanu si rasmi ah ugu biirin isbahaysi ciidan. Ma aha xubin NATO ah, mana laha saldhigyo shisheeye oo ay dhulkeeda ku leeyihiin dalal kale.

Hadalsame Media

Facebook Comments