ADEEGIHII DADKA: Musalsalkii sababta u noqday inuu MW noqdo Zelensky oo kusoo noqonaya Netflix (Daawo googooska)

0

(Hadalsame) 16 Maarso 2022 – Netflix ayaa wuxuu ku dhawaaqay in taxanaha majaajillada ah ee ‘Adeegihii Dadka’ oo uu atoore ka yahay Madaxweynaha Yukrayn, Volodymyr Zelensky, kaas oo lasii dayn jiray 2017-2021, uu mar kale diyaar u yahay baahinta gudaha Mareykanka.

‘Adeegihii Dadka’ ayaa ka sheekaynaya macallin (uu metelayo Zelensky) kaasoo si lama filaan ah u noqonaya Madaxweyne kaddib markii uu kasoo horjeestay musuqmaasuqa uu ku faafay warbaahinta baraha bulshada.

Bandhigu wuxuu udub dhexaad u noqday mihnadda siyaasadeed ee Zelensky, maadaama kaddib markii uu duubay taxanaha fasalkii seddexaad, uu go’aansaday inuu si dhab ah ugu tartamo Madaxweynaha Ukrayn 2019, isagoo sameeyay xisbi siyaasadeed oo cusub oo loogu magac daray magaca bandhigga.

Bandhigga waxa shati siisay kooxda telefiishanka Iswiidhan ee Eccho Rights, oo bayaan ay soo saartay ku sheegtay in bandhigani uu ku soo laabtay suuqa, “Taxanuhu waa majaajillo laakiin sidoo kale waa dukumeenti muhiim ah oo ku saabsan halka uu Zelensky ka yimid.” ayay yiraahdeen.

“Madaxweynihiisa khayaaliga ah waa nin caadi ah, kaasoo yeelanaya doorkiisa geesinnimo iyo hoggaamiye la jecel yahay. In kasta oo xaaladda dhabta ah ee haatan ay Zelensky iyo dadka Yukrayn ay wajahayaan xaalad aad uga xun majaajilada taxanaha ah, waxaa jira isbarbardhig muuqda oo ah dhanka xaaladda nolosha dhabta ah, iyadoo Adeegihii Dadku uu yahay majaajillo “soo jiidasho leh, muhiim ah iyo barnaamij telefishan oo taariikhi ah.” ayuu yiri maamulaha shirkadda Eccho, Nicola Soderlund.

Ku dhawaaqistan ayaa timid kahor khudbaddii Zelensky uu ka jeediy fadhiga wadajirka ah ee Congress-ka Arbacadan, maadaama uu noqday xudun-dhexaadka dareenka caalamiga ah ee ku fooggan iskahorimaadka millateri ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

Hadalsame Media