Maraykanka oo caddeeyey mowqifkiisa ku aaddan booqashada MW Muuse Biixi

0

(Washington, DC) 15 Maarso 2022 – Waxaa magaalada Washington DC ee caasimadda Maraykanka ku sugan MW Maamulka gooni goosad doonka ah ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Biixi oo aan helin wax soo dhowayn dowladeed ah nooc kastaba, ayaa waxaa kulan u qabtay Hay’addii casuuntey oo ah Heritage Foundation.

 

Waxaa horay ay dabaqadda siyaasadda Somaliland u sheegayeen warar badan oo ku saabsan in Maraykanku uu markan wax ka bedelayo siyaasaddii uu kula dhaqmayey Somaliland iyadoo ay qaar warka gaarsiinayeen heer aqoonsi.

Yeelkeede, Maraykanka ayaa caddeeyey mowqifkiisa ku aaddan booqashada Biixi iyo sida ay u arkaan ama u wajaheen.

“Waxaan soo dhowayney fursad aan kula kulanno @musabiihi maanta si loo xoojiyo macaamilka Maraykanka iyadoo lagu dhex shaqaynayo xayndaabka siyaasad mid ah oo dhanka Somalia ah.” Ayaa uu u dhignaa bayaan kooban oo ay soo saartay Laanta Afrika ugu qaybsan Wasaarad Dibadeedka dalkaasi.

Hadalsame Media