Gabar weriye ah oo Ruushka ka samaysay arrin sharci adag laga soo saaray + Muuqaal

0

(Moscow) 15 Maarso 2022 – Tifaftire ka tirsan TV-ga Channel One ee Ruushka oo ay qayb ahaan dowladdu leedahay ayaa lagu qaaday baaritaanka sharci cusub oo mamnuucaya wax lagu sheegay faafinta wararka been abuurka ah ee ku saabsan millateriga dalkaasi, sida ay ilo booliis ah u sheegeen TASS News.

Sharcigan ayaa la ansixiyay wax yar kaddib markii Ruushku weeraray Ukraine 24-kii Febraayo.

Tifaftire Marina Ovsyannikova ayaa lagu soo warramayaa in xabsiga la dhigay kaddib markii ay mudaaharaad ka dhigtay bartamaha barnaamijka tooska ah ee kanaalka fiidnimada Isniintii.

Waxay gudaha u gashay istuudiyaha iyadoo istaagtey meel ka dambaysa war aqriyihii TV-ga, iyadoo sidata boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo Ingiriisi iyo Ruush ah sida: “Dagaal maya. Jooji dagaalka. Ha aaminin dacaayadda. Halkan been bay kuugu sheegayaan. Ruushku wuu ka soo horjeeda dagaalka.”

Warbixin kooban oo uu faafiyey Channel One waxa lagu sheegay in baaritaan gudeed la xiriira “shilkan” la bilaabay. Novaya Gazeta ayaa dhanka kale soo xigatey maxkamada Moscow Talaadadii iyadoo la sheegay in Ovsyannikova loo haysto inay ku xadgudubtey sharciga mamnuucaya mudaaharaadyada dadweynaha, taasoo keeni karta in lagu xukumo 15 maalmood oo xarig ah ama ganaax lacageed.

Farriinta hore loo duubay, Ovsyannikova, oo ah gabar nus-Ukraine ah kuna dhalatay Ukraine, ayaa sheegtay inay “aad uga yaxyaxsan tahay” inay ka shaqeysay kanaalkan. “Waxa ka dhacaya Ukraine waa dembi, Ruushkuna waa gardarroole,” ayay tiri, iyadoo ugu baaqday Moscow “in ay si degdeg ah u joojiso dagaalka dadka walaalaha ah.”

Khudbaddiisa muuqaalka ah ee maalinlaha ah, Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa wuxuu uga mahad celiyay Ovsyannikova wax uu ku tibxay “isku dayga ah inay runta sheegto.”

Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa falkan Ovsyannikova ku tilmaamay inuu yahay “mid foowdo ah”, isaga oo intaa ku daray in arrinta noocan ihi “aysan marna ugu jirin ajandaha”.

Hadalsame Media