Shiinaha oo qaab is maahin ah uga jawaabey codsi uga yimid Ruushka (Maraykanka oo u gooddiyey)

0

(Washington, DC) 14 Maarso 2022 – Safaaradda Shiinaha ee Maraykanka ayaa sheegtay in aysan wax war ah ka haynin codsiga la sheegay in Ruushka uu ka dalbaday Shiinaha ee ku aadan caawinta millateri, iyadoo xustay in Beijing ay diiradda saarayso sidii loo dejin lahaa xiisadda Ukraine.

Sida lagu qoray Financial Times oo xiganaysa saraakiil Maraykan ah, Axadii waxa ay Moscow weydiisatey Shiinaha “qalab iyo noocyo kale oo kaalmo millateri oo aan la cayimin” si ay uga taageeraan weerarkooda Ukraine.

Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in Aqalka Cad uu ka walaacsan yahay “in Beijing laga yaabo inay wiiqdo dedaalka reer Galbeedka ee lagu caawinayo in ciidamada Ukraine ay difaacaan dalkooda” haddii ay doortaan inay fuliso codsiga la sheegay.

Eedeymaha waxaa sidoo kale soo qaatay New York Times, CNN, iyo daabacaado kale oo reer Galbeed ah. CNN ayaa werisay, tusaale ahaan, in Ruushku uu Shiinaha ka codsaday “diyaaradaha daroonka”.

Halka NYT uu qorayo in ilo ka gaabsaday in la magacaabo ay sheegeen in “nooca ciidan ama kaalmo” ee ay Moscow raadinayso uu yahay mid sir ah oo aan la shaacin noociisa.

Yeelkeede, Afhayeenka Safaaradda Shiinaha ee Maraykanka, Liu Pengyu, ayaa Reuters u sheegay in aanu “marna maqal [codsigaasi],” isagoo farta ju godey in muhiimadda Shiinuhu ay tahay “in xaaladda la xakameeyo kahor inta aanay faraha ka bixin.”

GOODDINTA MARAYKANKA – Dhanka kale, Maraykanka ayaa sheegay in Shiinuhu uu cawaaqib xumo kala kulmi karo haddii uu Ruushka ka caawiyo duullaanka uu ku qaaday Ukraine, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanku.

Shiinaha ayaa waloow aanu Galbeedka ku aragti ahayn islamarkaana uu si olog ula yahay Ruushka misna iska ilaalinaya inuu si buuxda dhinac u doorto, isagoo danihiisa ilaalinaya maadaama uu, si ka duwan Ruushka, oo dano dhaqaale oo ballaaran ku leeyahay dunida, gaar ahaan Galbeedka.

Hadalsame Media

Facebook Comments