Weriye caan ah oo Maraykan ah oo lagu diley dagaalka Ukraine & qaar kale oo dhaawac ah + Muuqaal

0
Journalist documenting events at the Independence square. Clashes in Ukraine, Kyiv. Events of February 18, 2014.

(Kiev) 13 Maarso 2022 – Sawir qaade Brent Renaud, oo ahaa wariye dagaal oo caan ahaa, horeyna u ahaan jiray wariyaha New York Times, ayaa lagu toogtay Axadii magaalada Irpen, sida uu sheegay Taliyaha Booliiska Gobolka Kiev Andrei Nebytov.

New York Times ayaa sheegtay in saxafigu aanu shaqo ay u direen halkaa u joogin. Ma cadda duruufaha ku xeeran dhimashada Renaud, balse magaalada Irpen waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socdey dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.

Renaud “wuxuu naftiisa u huray inuu isku dayo inuu muujiyo caqli-xumada, naxariis-darrada iyo gardarrada kuwa soo duuley,” ayuu Nebytov ayaa ku soo qoray Facebook goor dhowayd, isaga oo ula jeeda millatariga Ruushka.

Qoraal kale wax yar kaddib, Nebytov waxa uu dadka la wadaagey sawirka mayd dhiig leh oo leh nabar xabad dhegta u dhow, oo loo maleynayo in uu yahay Renaud, kaasoo ah weriye ruug caddaa ah oo kasoo shaqeeyey Bariga Dhexe, Laatiin Ameerika iyo meelo kale.

Marka laga soo tago dilka weriyaha 51-jirka ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo wariye oo kale,” ayuu raaciyey Nebytov, isagoo intaas ku daray in labada dhaawaca ah “laga soo badbaadiyay goobta” oo loo qaaday isbitaal ku yaalla Kiev.

Muuqaal ay faafisay weriyaha Talyaaniga ah ee Annalisa Camilli ayaa muujinaya weriye ka tirsan kuwa dhaawacmay oo magaciisa ku sheegay “Juan,” oo isbitaalka jiiga, isagoo sheegay in qof gaari lifti ahaan ugu qaaday uu ka ridey meel isbaaro ah oo deeto rasaas la huwiyey.

The Guardian-ka ayaa markii dambe isna faafiyey in ninka la yiraahdo Juan Arredondo, oo uu yahay sawir qaade Colombian-Maraykan ah. Waxaa laga arki karaa muuqaalka isagoo xiran calaamadda shabakadda Telemundo ee ku hadasha afka Maraykanka ee Isbaanishka, balse shabakaddu weli kama aysan hadlin dhacdadan.

Sida uu sheegay Juan, darawalkii ayaa gaariga soo kala fireeyey markii ay isbaarada ka kor dheceen, balse rasaastii lagu ridayey ayaa Renaud ka qabsatay qoorta iyo dhegta agteeda. Ninkani ma uusan sheegin cidda toogashada geysatay, iyo in ay saarnaayeen gaari shacab iyo mid ciidan toona.

Hadalsame Media