Iiraan oo digniin cad u dirtay Israel kaddib markii ay gantaalo baalistig ah Ciraaq ku riddey (Noocyada ay haysato?)

0

(Hadalsame) 13 Maarso 2022Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa sheegtay mas’uuliyadda gantaalo baalistig ah oo xalay lagu duqeeyey magaalada Erbil, oo ah caasimadda Ismaamulka Kurdiga ee dalka Ciraaq ee Kurdistan.

Ku dhowaad ​​10 gantaal ayaa magaalada ku soo dhacay 1-dii habeenimo, waxaana la sheegay in lala beegsaday dhismaha cusub ee Qunsuliyadda Maraykanka ee magaalada.

Inkastoo aagagga deriska la ah la weeraray oo aan iyada toos loo duqeeynin, haddana weerarku wuxuu u muuqdaa mid kaliya oo khasaare hantiyeed geystay.

IRGC waxa ay sheegtay in ay bartilmaameedsatay “xarun istiraatijiyadeed oo lagu maleego shirqoolka iyo xumaanta Sahyuuniyadda waxaa lagu beegsaday gantaallo shiish saxan leh oo xooggan oo ay rideen Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.”

Horaantii todobaadkan, Iiraan waxay sheegtay in duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay Suuriya ay ku dishay laba sarkaal oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, waxayna wacad ku martay inay u aargudi doonto.

“Weerar kasta oo kasoo noqnoqda Israa’iil waxaa lagala kulmi doonaa jawaab adag, iyo go’aan adag oo wax-burburin leh.” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay IRGC oo la dhigay webka Sepah News, website-ka rasmiga ah ee Ilaalada.

Iiraan ayaa Qunsuliyadda Maraykanka ka dhex urinaysa inay xarun qarsoodi ah ku leedahay Hay’adda Sirdoonka Caalamiga ah Israel ee Mossad.

Waa kuwama noocyada gantaalaha baalistigga ah ee ay Iiraan samaysatay?
Nooca gantaalka Dabaqadda Tiirada
Emad (Shahab-3 Variant) MRBM 1,700 km
Ghadr-1 (Shahab-3 Variant) MRBM 1,950 km
Fateh-110 SRBM 200 – 300 km
Fateh-313 SRBM 500 km

Hadalsame Media