Ciidamada Itoobiya oo lagu eedeeyey jarriimo aad u xun & dad nolosha lagu gubay (Fadlan ha daawan haddii..)

0

(Addis Ababa) 13 Maarso 2022 – Ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin DF Itoobiya ayaa ku kacday fal intii la doono aad u liita oo ah jarriimo aad u culus oo muujinaysa dad nool oo nolosha lagu gubayo, taasoo ay iminka ka dhalatay caro aad u xooggani.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad la sheegay inay asal ahaan kasoo jeedaan Qoomiyadda Tigraay oo sida la sheegay ay Ciidamada Itoobiya ay nolosha ku gubayaan, iyagoo kaddibna ku wiirsanaya.

Waxaa la arkayaa ciidamo tuutaysan oo af Amxaari ku hadlaya oo dad la sheegay inay toogteen balse weli nool oo dhaqdhaqaaqaya dab ku shidaya.

Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay bilaabayso baaritaan deg deg ah oo ku saabsan xaqiiqjinada arrintan iyadoo hay’adaha xuquuqul insaanku si wayn uga hadlayaan.

Hadalsame Media