Bermuda oo qabsatay boqollaal dayuuradood oo uu Ruushku leeyahay (Maxay ku haystaan?)

0

(Hadalsame) 13 Maarso 2022 – Gasiirradda Bermuda ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso shahaadooyinka u qalmida duullimaadka ee diyaaradaha ee ay maamulaan shirkadaha Ruushku, iyagoo fariisiyey ku dhowaad ​​800 oo diyaaradood oo ay maamuli jireen shirkadaha waawayn ee Ruushku.

Hay’adda Duulista Rayidka ee Bermuda (BCAA) ayaa sheegtay in awoodduu ay u lahayd in ay joogteyso ilaalinta badbaadada diyaaradaha uu Ruushku ku shaqeeyo ee ku jira diiwaanka diyaaradaha Bermuda ay curyaamisey cunaqabateynta caalamiga ah ee lagu soo rogay Moscow kaddib weerarkeeda Ukraine.

Maadaama “aanay haddaba awoodin inay si kalsooni leh ugu oggolaato rukhsadaha diyaaradaha,” BCAA waxay go’aansatay inay “si ku meel gaar ah u hakiso bixinta shahaadooyinkooda u-qalmitaanka duulitaanka”, ayay ku tiri bayaan kasoo baxay shalay.

Xayiraadahan ayaa bilaabmay saacadu markay ahayd 23:59 UTC, iyadoo hakintaasi ay saamaynayso dhamaan diyaaradaha duuli lahaa, maadaama aysan dayuuradi duulin karin haddii aanay haysan shahaadadan oo ay bixiso Hay’adda Duulistu.

”Ku xad-gudbida sharcigani waxa uu la mid yahay wadista baabuur la xaday oo lagu keceeyo shati dhacay iyo taariko been abuur ah, “ayuu yiri sarkaal sare oo aan la magacaabin oo ka tirsan shirkad duullimaad Ruush ah oo u warramay warbaahinta gudaha.

Hadalsame Media