”Tani waa xag-jirnimo!” – Ruushka oo si caro leh uga jawaabey qorshaha uu Facebook ku fasaxay in Ruushka la inkaaro

0

(Moscow) 12 Maarso 2022 – Ruushka ayaa ka dalbaday mas’uuliyiinta Maraykanka inay qaadaan tallaabo ay ku joojinayaan ‘xagjirnimada’ iyo hanjabaadaha ka dhanka ah muwaadiniintooda, kaddib markii shirkadda iska leh Facebook ee Meta ay sheegtay inay ogolaan doonto baaqyada cunfiga iyo inkaartu ka muuqato ee ka dhanka ah Ruushka inta lagu jiro weerarka Moscow ee Ukraine.

“Waxaan dalbaneynaa in mas’uuliyiinta [Mareykanku] ay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada xagjirka ah ee Meta, oo ay qaadaan tillaabooyin cadaaladda lagu horkeeno dambiilayaasha,” Safaaradda Ruushka ee Maraykanka ayaa Twitter-ka ku soo qortay Jimcihii.

Bayaankan ayaa daba socda hadal ka soo yeeray Meta dorraad, kaasoo xaqiijiyay inay ogolaan doonto hanjabaadaha cunfiga xambaarsan ee ka dhanka ah Ruushka iyagoo wax ka bedelaya shuruudo gaar ah oo u degsan Facebook iyo Instagram labadaba.

“Duullaanka Ruushka ee Ukraine dartii waxaanu si ku meel gaar ah u bixinay ogolaanshooyin loogu talagalay qaababka muujinta siyaasadeed oo sida caadiga ah ku xadgudbi doona xeerarkeenna sida hadalka cunfiga wata ee ‘Ha dhinto Ruushka soo duuley.’ Weli se ma oggolaan doono baaqyada muuqda ee ku saabsan rabshado ka dhan ah rayidka Ruushka.” ayuu yiri af hayeenka Meta ee Andy Stone.

Hadalsame Media