Somalia oo u muuqata mid markale dhex boodi karta ‘Dagaalka Qabow’ ee Ruushka & reer Galbeedka (Qorshaha cusub ee Maraykanka)

0

(Hadalsame) 12 Maarso 2022 – Millateriga Maraykanka ayaa ka codsaday Madaxweyne Joe Biden inuu boqolaal ciidamo gaar ah u diro Soomaaliya si ay u xakameeyaan faafitaanka dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee xagjirka ah, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal.

Sida uu qorayo wargeysku, sarkaal ka tirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu kordhay tan iyo markii ay Ciidamada Mareykanku ay bilaabeen in ay ka baxaan Soomaaliya bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

“Hadda ma jiro wax cadaadis ah oo lagu hayo argagixisada, xubnahoodana waxay haystaan ​​xorriyadda dhaqdhaqaaqa,” ayuu yiri sarkaalku. Waxa uu sidoo kale ku dooday in “saraakiisha Mareykanku ay ka codsanayaan Madaxweyne Joe Biden in ciidamada hadda ku sugan Kenya iyo Jabuuti la geeyo gudaha Soomaaliya.”

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in, sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha sarsare ee Mareykanka, “ciidamada Soomaaliya ay si hufan u shaqeeyaan marka ay barbar socdaan ciidamada gaarka ah ee Mareykanku.”

Saraakiil badan oo Maraykan ah ayaa aaminsan in kooxdan hubaysani ay khatar ku tahay danaha Maraykanka ee Bariga Afrika, sida uu wargeysku xusay.

Si kastaba, Maraykanku marna si buuxda ugama bixin 3 meelood oo uu Somalia ka joogo oo kala ah, Muqdisho, Kismaayo & Balli-doogle, lamana oga inay tani tahay boos ceshi istaraatiji ah xilli uu si uun usoo noqonayo Dagaalkii Qaboobaa ee Ruushka & reer Galbeedka.

Somalia ayaa 70meeyadii ku fashilantay qaabkii ay kaska iyo fahamku ka marnaayeen ee ay u dhex booddey labadii baloog ee Galbeedka & Bariga, taasoo soo dedejisey qaran-jabkii dhacay kaddib dhowr tillaabo oo qar iska tuur ah oo ay Somalia qaadday.

Hadalsame Media