Ruushka oo markii ugu horreeysey u gooddiyey kolonyada reer Galbeedka ee soo gelaya Ukraine

0

(Moscow) 12 Maarso 2022 – Hubaynta Ukraine ee ka imanaysa reer Galbeedku waxa ay kaliya u adeegaysaa inay sii xumayso iskahorimaadka socda ee u dhexeeya Moscow iyo Kiev, Wasiir Xigeenka Arrimaha Dibedda Ruushka,Sergey Ryabkov, ayaa sidaa sheegay, isagoo ka digay in Ciidamada Ruushku ay suurtagal tahay inay beegsadaan kolonyada hubkan daabulaysa.

“Waxaan uga dignay Maraykanka in hubka lagu soo daabulayo Ukraine ee laga keenayo dalal dhowr ah oo ay abaabuleen [Washington] aanu keliya ahayn tillaabo khatar ah, balse uu ka dhigayo kolonyadan [hubka] bartilmaameed sharci ah,” Ryabkov ayaa sidaa ku yiri Channel One-ka Ruushka.

Ma uusan faah faahin halka iyo goorta laga yaabo in Ruushku uu bartilmaameedsado kolonyadan. Ryabkov waxa kale oo uu ka digey in “hubka khatarta ah ee la iska qaybinayo” sida gantaalaha la xambaari karo ee difaaca hawada iyo gantaalaha taangiyada dila ay khatar ku yihiin waddamada reer Galbeedka laftooda.

Horraantii toddobaadkan, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan in hubka noocan oo kale ihi uu “geli karo gacmo khaldan” kaddib marka ay dhammaato colaaddu.

”Gantaalada difaaca cirka ee la qaadi karo waxay khatar gaar ah u keeni karaan duulista rayidka ee cirka Ukraine ama Yurub sanadaha soo socda.” ayuu ku dooday Wasiirku.

Hadalsame Media