Ruushka oo markale Shiinaha kala kulmay arrin uusan ka filayn & dal Muslim ah oo uu u weecday

0

(Beijing) 12 Maarso 2022 – Shiinaha ayaa diidey in uu shirkadaha diyaaradaha ee Ruushka u keeno qaybo ka mid ah kabka diyaaradaha, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Duulista Hawada ee Ruushka, kaddib markii ay Boeing iyo Airbus joojiyeen sahaydii qaybaha kabka.

Waaxda Duulista Hawada ee Ruushka ayaa waxaa cadaadis saaraya cunaqabateynta reer Galbeedku ay ku soo rogeen duullaanka Ukraine dartii, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushku ay toddobaadkan ka digtey in badqabka duullimaadyada rakaabka ee Ruushku uu halis ku jiro.

Wakaaladaha ay ka mid tahay Interfax ayaa ka soo xigtay Valery Kudinov, oo ah sarkaal ka tirsan Rosaviatsia oo mas’uul ka ah ilaalinta tayada hawada, in Ruushku uu raadin doono fursado uu ka helo qaybo kab ah kaga helo dalal ay ka mid yihiin Turkiga iyo Hindiya kaddib markii uu ku hungoobey isku day ahaa inuu ka helo Shiinaha.

Waxaa kale oo uu sheegay in shirkadaha Ruushku ay diwaangelinayaan diyaaradahooda, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah laga diiwaan geliyay dibadda, kaddib markii Maraykanka iyo Midowga Yurub cunaqabataynta saareen.

Dhanka kale, sharci qabyo ah oo la daabacay Khamiistii ayaa muujinayey dowladda Ruushka oo qorsheynaysa inay amarto shirkadaha kiraysta diyaaraduhu ay kirada ku bixiyaan lacagta Ruble-ka Ruushka iyo in la mamnuucay in diyaaradaha kiraysan loo celiyo shirkadaha shisheeyaha haddii ay kansalaan kirada.

Hadalsame Media

Facebook Comments