Ruushka oo la sheegay inuu duqeeyey masjid ku yaalla Mariupol oo ay ku gabbanayaan Muslimiin badan

0

(Mariupol) 12 Maarso 2022 – Ciidamada Ruushka ayaa duqeeyay masjid ku yaal magaalada Mariupol oo ay gabbaad ka dhigteen ugu yaraan 80 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan muwaadiniin Turki ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ukraine Sabtigan.

Hase yeeshee, Ismaaciil Hacioglu, oo ah madaxa Mu’asasada Masjidka Suldaan Suleymaan oo 2005 la dhiday, ayaa arrintaasi ka soo horjeestay, isagoo sheegay in Masjidka laftiisa aan la qarxin.

“Bambadu waxay ku dhacday meel 700 oo mitir u jirta masjidka, balse annagu waa fiican nahay.” ayuu Sulaymaan u sheegay Turkish News Portal.

“Magaalada ma jirto koronto, biyo iyo gaas, iyadoo aan haysanno 25 tan oo biyo ah oo aan keydsanay….Waxaan ku dadaaleynaa inaan hooy siino muwaadiniinteenna.” ayuu raaciyey.

Waxa uu intaa ku daray in ay aad khatar u tahay in dadka laga qixiyo magaalada, maadaama magaalada ay weli kasii socoto duqeyn xoogan, balse Ruushku uu ogolaaday in ay gudbaan basaska lagu qaadayo muwaadiniinta Turkiga ah ee ku sugan Mariupol.

Saacado kahor, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ukraine ayaa barteeda twitter-ka ku sheegtay in “masaajidka Sultan Suleiman oo ay ku gabanayaan in ka badan 80 qof oo isugu jira dad waawayn iyo carruur ay ”duqeeyeen Ruushka soo duuley”, iyagoo aan wax tafaasiil ah ka bixin waxyeellada dhacday.

Hadalsame Media