QM oo faraha ka qaadday arrin ay aad ugu doodday DF Somalia & iimaha ka muuqda

0
Somali Navy and Coast Guard boats make a patrol in the ocean next to the port in Mogadishu, Somalia Wednesday, Oct. 13, 2021. On Tuesday the International Court of Justice sided with Somalia in its dispute with neighboring Kenya over a maritime boundary in a case affecting a territory potentially rich in oil and gas. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh)

(Hadalsame) 12 Maarso 2022 – Golaha Ammaanka ayaa wuxuu si aamusnaan ah u oggolaaday in laga gudbo waqti kama dambeys ah oo horay loogu dejiyey cusboonaysiinta Qaramada Midoobay ee rukhsad xeebaha Somalia lagula dagaallamayo waxa lagu sheego burcad-badeedda Soomaaliya, sida ay sheegeen diblomaasiyiintu.

Tani waxay saameyn ku yeelan doontaa howlgalka cirka iyo badda ee Yurub ee la sheegay inuu badaha sare kula dagaallamo dembiyada noocaas ah.

3-dii Diseembar ayuu Golah Ammaanku wuxuu si wada jir ah u ansixiyay qaraar uu soo diyaariyay Maraykanka oo lagu kordhinayo oggolaanshahan muddo saddex bilood ah, halkii uu sannad ka ahaan lahaa sidii caadada ahayd.

Laakiin 3-dii Maarso Goluhu waxba ma cusboonaysiin oggolaanshaha mana xitaa ka hadlin wax ku saabsan dhammaadka kama dambaysta ah. Imaaraatka Carabta oo waqtigaa golaha shir guddoominayey iyo Maraykanka oo arrintan dusha kala socdey midkoodna wax hadal ah kama soo bixin waqtigaasi.

Muddo sanado ah DF Soomaaliya waxa ay ka soo horjeeday ogolaanshaha Qaramada Midoobay, kaas oo u fasaxay maraakiibta dagaalka ee dalal kale in ay ilaalin karaan badeeda si ay ula dagaallamaan burcad-badeedda.

Soomaaliya waxay rabtay inay soo ceshato madax-banaanideeda buuxda ee biyahaas, maadaama aanay dhicin wax fal burcad-badeednimo ah oo ka dhacay biyahaas muddo afar sano ah.

Wadamada qaar sida Faransiiska oo taageero ka helaya qaar ka mid ah Yurub, ayaa riixayey bishii Diseembar si ogolaanshaha loo kordhiyo, iyagoo sheegay inay ka baqayaan amni darro soo noqota.

Yeelkeede, Soomaaliya waxay ka hortimid in maqnaanshaha burcad-badeednimadu ay ka dhigan tahay in waajibaadka Qaramada Midoobay runtii aan loo baahnayn. Dagaalka ka dhanka ah burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa wader Ciidanka EU ee Atlanta oo diyaarado iyo maraakiib ku roondayn jirey biyaha Soomaaliya tan iyo 2008-

Tan ugu daranise waxay tahay in waloow ay Dowladda Soomaaliya diiddey in la kordhiyo qorshaha la sheegayey in lagu ilaaliyo xeebaha Soomaaliya aysan iyada lafteedu lahayn ama diyaarin ciidan ku filan ama xitaa qorshe siyaasadeed oo lagu ilaalin karo xeebaha dalka.

Waxaa sidoo kale markii ugu horreeysey jira heshiisyo mugdi ah oo ay DF lafteedu ku lug leedahay oo lala galay dalalka ugu badan ee xada kalluunka Soomaaliya sida Shiinaha oo 2018-kii lala galay heshiis aanay shacbigu ogayn oo loogu fasaxayo biyaha Somalia iyadoo lagu marmarsooday inuu 200m oo doollar ku dhisayo Dekedda Muqdisho, taasoo marka laga soo tago inaan deked la dhisayaa jirin aan misna ku fillayn in dal Shiine oo kale ah loogu fasaxo ka kalluumaysiga dalka.

Dadka qaar ayaana durba dareensan in joogista caalamiga ah loo yureeyey oo qura si aan la isu waydiinin kalluumaysigan sharci darrada ah ee soconaya oo ay horay hoggaamiyeyaasha gobolladuna bixin jireen rukhsado aanay xaq u lahayn.

Hadalsame Media