Maxay Poland Muslimiinta ku maagtay?! (Goorma ayay qabteen indhaha Muslimiintu?)

0

(Hadalsame) 11 Maarso 2022 – Qaybtii koowaad waxa aan ku sheegnay in sheegashada Poland ee ah “waxaynu ahayn darbi difaac u ah Kirishtaanka Yurub” ay tahay kutirikuteen. Haddaba si aynnu sheegashada Poland u wax badan uga ogaanno aan dib u milicsanno sooyaalka Poland.

Polish-ku qowmiyad ahaan waa Islaafig (Slavic) gaar ahaan Islaafigga galbeed. Markii u horraysay ee qoraallada taariikhdu xusto wax raad ah oo ku saabsan Poland waxa ay ahayd qarnigii 10-aad, qoraagii u horreeyay ee wax ka qoraana waxa uu ahaa Ibraahin Yacquub oo reer Andaloos ahaa.

Ibraahim oo ahaa dhul-mareen iyo ganacsade qararaf ah waxa uu dhulal badan oo Yurub ah gaar ahaan bariga iyo bartamaha Yurub socdaal ku maray sannadihii 960aadkii. Waxa uu qoraalladiisa ku xusay in uu Polishka xukumo boqor lagu magaaco Mieszko (Mieszko I) Poland na tahay dawladda ugu wayn ugu na barwaaqo badan dhammaan dadyowga Islaafigga oo dhan. Waxa kale oo Ibraahim Yacquub sheegay boqorkaasi haysto ciidan xoog leh oo ilaa 3000 ah aad uu u dhaqaaleeyo ciidankaasi.

Yacquubi waxa uu tilmaamay in dhanka bari ee Poland ay ku taallo dawlad ama ku nool yihiin dad lagu magacaabo Ruus galka dhanka waqooyi ay ka xigaan reer Buruus (Prussians).

Waxa kale oo uu sheegay boqorku ilma walba oo dhasha (wiil iyo gabar midka uu doono ahaado) uu waalidka siiyo lacag, marka ilmahaas da’ guur gaaraanna uu u guuriyo asaga oo kharasha guurka bixiya. Wiilasha marka ay da’ gaashaanqaad gaaraan waa la askareeyaa ayuu Ibraahim yiri.

Dhaqanka guurka ee Polish-ka waxa uu Ibraahin sheegay in uu shabbaho kan dadka Berberka ah (waqooyiga Afrika) waayo gabbaatiga gabdhaha Poland laga dhiibi jiray aad buu qaali u ahaa sida uu Ibraahim sheegay. Waxa uu intaas ku sii daray in ninkii 3 gabdhood dhalay (ay da’ guur u gaaraan) uu ahaa nin dhiisha faqriga tuuray halka ninka 3 wiil dhalay saboolnimo soo salaantay.

Taariikhdu waxa ay sheegaysaa in boqorkaas uu Ibraahim sheegay diinta Kirishtaanka qaatay sannadkii 966 ka dib markii uu guursaday gabar uu dhalay boqorkii Bohemia (modern day Czeck Republic). Ninkaas Boqorka ahaa waxa uu dawladdiisi hoos keenay qabiillada Islaafigga ahaa ee dariska la ahaa oo dhan asaga oo sidaa oo kale Kirishtaameeyay.

Yeelkeed’e, boqortooyada Poland waxaa si dhab loo aqoonsaday 1025 taas oo ahayd muddo dheer geeridii Mieszko ka dib. Laakiin isirkiisu waxa ay Poland xukumayeen ilaa laga soo gaaray qarnigii 14aad. Qarnigii 14aad bay tafiirtii (dhanka ragga) Mieszko suushay Poland waxa ay noqotay hoggaan la’aan.

Hoggaan la’aantaas waxa ay Poland ku khasabtay in boqor u doorato boqor ama Ugaaskii Lithuania oo Poland deris la ah taasna waxaa ka dhashay in Poland iyo Lithuania noqdaan hal dal oo federaal ah (Polish-Lithuanian Commonwealth).

Midowgaasina waxa uu waddada u xaaray cahdigii dahabiga ahaa ee sooyaalka Poland. 150 sannadood ayay Poland ahayd dawladda ugu wayn, ugu dimoqraaddisan ugu na dhulballaaran Yurub oo dhan. Waqtigaas berisamaadka ah Poland waxa ay isku ballaarisay badda Baaltigga (Baltic sea) ilaa Badda Madow (Black Sea).

Halkan ka aqri qaybtii hore….

La soco qayb kale…

Waxaa Qoray: Cali M. Diini

Hadalsame Media