Dowladda Kenya oo soo rogtey amar cusub oo ay dad badani soo dhoweeyeen

0

(Nairobi) 12 Maarso 2022 – Wasiirka Caafimaadka Kenya, Mutahi Kagwe, ayaa go’aan cusub kasoo saaray xayiraad ay dad badani horay ugu dhibanaayeen oo saarnayd shacabka Kenya iyo dadka ku nool halkaasi.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dadka Kenyaanka ah iyo kuwa ku dhaqan aysan hadda kaddib khasab ku ahaan doonin in ay xirtaan gafuur-saabka ama maasgaraha marka ay joogaan goobaha dadwaynaha.

Yeelkeede, Wasiirku waxaa uu tusmeeyey in ay weli muhiim tahay in dadku ay aad isu ilaaliyaan oo ay kala sikadaan intii suurtagal ah.

Dalka Kenya ayaa waxaa horay khasab dadka ugu ahayd inay xirtaan afxirka ama maasgaraha la isaga dhowraariyo cudurka Covid-19, iyadoo uu qofku horay ganaax u mudanayey qofkii lagu qabto isagoo aan xirnayn.

Hadalsame Media