Dagaalka Ukraine oo durba Muqdisho & dalka laga dareemayo (Xaalado halis ah oo lasoo sheegayo)

0

(Muqdisho) 12 Maarso 2022 – Noloshu wey sii adkaanaysaa, wax walbana wey sii qaaliyoobayaan, raashinkii quutal daruuraga ahaa ayaa iibkoodu saddex laabmay oo haddii 1 Kiilo ee Bariisku ahaa 0.5$ maanta waa 2$.

Halkii sacabka Yaanyada/Xabuubta uu awal ka ahaa 0.25$ maanta waa 1$. Haddii awal qoyska ugu kooban ku filnaan jirtay 200$ maanta waxaa ku filan 600$ hadda waa qoyska ugu yar.

Waxaa 4 jeer kala badan mushaarka shirkaddu siiso shaqaalaheeda iyo guriga ay kirayso qiimihiisa. Haddii shirkadda aad u shaqayso ay mushahar ahaan kuu siiso 400$ guriga aad dagaysana waa 600$ ilaa 1,000$, hadda waa kirada oo kaliya.

Kirada guryaha ma wada aha magaalada oo dhan, balse waa badankeeda. Waxaa maanta dhulka taabtay dadkii dabaqadda dhexe, haba sheegin kuwii dabadaqa hoose oo waatan xan lagu maqlayo in ay kalyahoodii qaar iibinayaan si ay ubadkooda nolol uga dhigaan.

Eedda oo dhan waxaa iska leh ganacsatada, fal kasta oo dhacayana iyaga qudhooda ayaa ka masuula oo malaha damiir iyo diir naxa toona. Alaab ay ku soo iibsadeen qiimo aad u jaban, dheefta la saari karana yahay mid kooban ayay rabaan in ay muddo kooban ku taajiraan oo waxay saarayaan saddex jibaar inta laga rabay.

Waxay heer gaadhaan inay alaabtu bakhaarada ugu qudhmaan xaasidnimo aawadeed. Ma arkaan dowlad daba socota oo sicirrada nidaamisa, ma arkaan bulsho iska celisa, mana u jeedaan shacab soo jeeda ee kaliya waxay arkaan dantooda.

Sicir bararka ayaa meelo badan oo dunida ah ka jira, balse waxay u badan yihiin dalalkii toos wax ugala soo degi jirey labada dal ee Ruushka & Ukraine ama badeecooyinka ka iman jirey qaarkood sida qamadiga, balse Somalia waxaa la qaaliyeeyey wax kasta.

Tusaale, Masar oo 80% qamadiga kala soo degta Ukraine & Ruushka muddo 30 sanadood ah lama qaali garaynin sicirka rootiga, iyadoo haatan markii ugu horreeysey laga baaraandegayo, weli se lama qaaliyeeyn.

Waxaa Qoray: Garaad Yaasiin & Max’ed Xaaji.

Hadalsame Media